AMISOM oo iska fogeeyay inay ku lug lahaayeen Duqeymihii loo geystay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku
sheegay inay ka walaacsan yihiin khasaaraha dadka rayidka ah ee ku nool Kismaayo
oo ay maamusho Al-shabaab kasoo gaaray duqeymo loo geystay
magaaladaas.
Magaalada Kismaayo oo 500-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku dhacay gantaallo la sheegay inay qaarkood tuureen maraakiib ku sugan xeebaha magaaladaas.
"Waxaan ku talinaynaa awood kasta oo ciidan inay muhiimadda siiyaan dadweynaha," ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaablisan arrimaha Soomaaliya, dajire Abuubakar Diyaara.
Sidoo kale, ergaygu wuxuu ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo dadka khasaaraha ay kasoo gaareen duqeymihii loog eystay Kismaayo, isagoo sheeagy in ciidankooda AMISOM aysan duqeyn u geysan Kismaayo.
"AMISOM waxay qaadanaysaa mas'uuliyadda kaga aaddan ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, waxayna si cad u fahamsan yihiin sida ay u dagaalamaan iyagoo aanay dadku dhibaato kasoo gaarin," ayuu yiri Diyaara.
Magaalada Kismaayo ayaa ah meel aad ugu xooggan tahay Al-shabaab, halkaasoo ay ciidamada Kenay oo ka tirsan AMISOM dhowr jeer oo hore sheegeen inay weerari doonaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Comments
Post a Comment