Posts

Showing posts from June, 2013

Mogadisho.Madaxa Sirdoonka Soomaaliya oo xoog ku kaxeysteen hasan dahir

Image
Xasan Dahir Aweys oo maalmo ka hor ka soo fakaday Al-shabaab balse odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Ceyr iyo Saleeban shalay gelinkii dambe ka soo kaxeeyeen Magaalada Cadaado isla markaana keeneen Magaalada Muqdisho, halka wararka qaarna ay sheegayaan in Sheekh Xasan Dahir Aweys oo xalay Ciidamo uu hogaaminayay Bashiir Goobe Madaxa Sirdoonka Soomaaliya xoog ku kaxeysteen ay la wareegeen hadda Sirdoonka reer galbeedka oo Saldhig ku leh xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho. Wasiir la socda Xaalada Sheekh Xasan Daahir ayaa inoo sheegay in niman cadaan ah oo la aaminsan yahay in Mareykan iyo reer Galbeed yihiin ay haatan la baxeen Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ah Col Ciidamadii hore soomaaliya balse ah aas aasihii kooxaha mayalka adag ee dagaalka kula jira reer galbeedka iyo dowladaha taageera, lamana  oga in Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga dhoofiyay iyo in kale ama inuu ku jiro xarunta xalane oo Sirdoonka AMISOM iyo kuwa reer galbeedka saldhig u ah. Waxay doona

Xasan Daahir inaan Muqdisho usoo kaxeyno’’ Sidaasi waxaa yiri Nabadood Axmed Diiriye.

Image
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday in Muqdisho loo soo kaxeeyo kadib dadaal ay sameeyeen Ergo ka kala socota Dowladda Federaalka iyo saraakiil ku sugan Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb. Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in maanta ay qorsheynayaan in Xasan Daahir Aweys la keeno Muqdisho, isagoo ka gaabsaday inay u gacan gelinayaan Dowladda Soomaaliya iyo in kale. ‘’Haddii Ilaaheey Idmo hadaan wax kale isbedelin inaan Xamar nimaado maanta ayaan rabnaa wuuna ogolaaday Sheekh Xasan Daahir inaan Muqdisho usoo kaxeyno’’ Sidaasi waxaa yiri Nabadood Axmed Diiriye. Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmada Cadaado waxaa ka socday dadaalo ay wadeen ergo ka socotay dowlada,  Odayaal iyo siyaasiyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay in Sheekh Xasan Daahir lagu qanciyo in Muqdisho la keeno. Sheekh Xasan Daahir ayaa Labadii maalmood ee ugu dambeeysay ku sugnaa mag

Masuulkan ka tirsan ciidamada Cirka Ruushka oo waxyaabo badan diiday in uu ka jawaabo

Image
Xaalad cabsiyeed oo aan hore u soo marin ayaa ka taagan dalalka Khaliijka Carabta, taas oo ka danbaysay sir masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ciidamada Cirka Ruushku baahiyeen dhawaan, kuna sheegeen in Moscow diyaarisay duulaan dhinaca cirka ah oo ay ku qaadayso magaalooyinka Riyaad iyo Doha ee caasimaddaha dalalka Sucuudi Arabiya iyo Qatar. Xaalada ayaa cirka isku sii shareertay markii dhawaan, dalalka Sucuudi Arabiya iyo Ruushku, Is Dhaafsadeen eedaymo mid walba dhinaca kale u jeedinayo, kuwaas oo ka dhashay taageerada Ruushku siiyo Dowlada dalka Suuriya iyo ta Sucuudigu la garab taagan yahay kooxaha mucaaridka ee dagaalka kula jira, Madaxweyne Bashaar Al Asad. Todobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibada Sucuudi Arabiya, Amiir Sucuud Bin Faysal Bin Cabdi Casiis uu Xukuumada Ruushka, ku eedeeyay in ay taageerayso maamulka dalka Suuriya ee Bashaar Al Asad hogaamiyo, taas oo uu wasiirku ku tilmaamay, mid waxa kaliya ee ay qabataa tahay, xasuuq wadareed

Indonesian dies in Saudi residency protest

Image
ire and violence as 8,000 demonstrate at Indonesian consulate in Jeddah ahead of crackdown on illegal workers.Aljazeera

Somalia government seeks to decntralise power

Image
Somalis are trying to agree on a government that decentralizes power but also brings the nation back together after years of conflict. But that's proving difficult.(ALJAZEERA)

Kismayo; Kenyan troops continue to defend Somali port

Image
African Union forces who drove out Al Shabab fighters out of Kismayo around eight months ago try to maintain security. (Aljazeera)