Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in maanta ay ku eg-tahay Qabashad Araajida Murashaxiinta

Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay maanta ku eg-tahay qabashada araajida murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.
Inkastoo ay dhowr murashax u taagan yihiin xilkan ayaa haddana waxaa jira dad kale oo rajo ka qaba inay xilkaas u tartamaan, iyadoo guddigu ay sheegeen inay ka shaqeyn doonaan maalinta hartay sidii doorashada ay u dhici lahayd.
"Qabashada araajida murashaxiinta u tartamaya xilalka afhayeenka ku xigeennadiisa waxay ku eg-tahay maanta oo Jimco ah, wixii ka dambeeya howlo kale ayaa inoo billaabi doona," ayuu yiri afhayeenka guddigan doorashada, xidhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.
Diyaargarowga loogu jiro doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa ku eg berri oo Sabti ah iyadoo maalinta xigta ee Axada ah oo ay bishan ku beegan tahay 26-ka waxaa bilaabanaysa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.
Murashaxiin u taagan illaa iyo hadda qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay gaarayaan saddex xubnood oo ay ka mid yihiin: Prof. Jurille iyo Prof. Jawaari iyadoo aysan weli jirin murashax isku soo taagay ku xigeennada afhayeenka baarlamaanka.
Baarlamaanka Soomaaliya oo tiradiisu ay ka kooban tahay 275 xubnood ayaa 211 xubnood ee ugu horreeyay waxaa la dhaariyay Isniintii lasoo dhaafay, iyagoo si KMG ah u doortay guddoomiye inta laga dooranayo guddoonka rasmiga ah ee uu yeelanayo.
 Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele