Afhayeenka millateriga Kenya, Col Cyrus Oguna ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka Burburiyeen Saldhigyo ku Keedsanaa Hub

Col Cyrus Oguna  ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ay shalay ku qaadeen magaalada Kismaayo ay ku burburiyeen bakhaaro  ay hub u yaalleen Al-Shabaab.
Oguna oo xusay in weerarka uu ahaa mid bar-tilmaameedkiisa lala helay ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay duqeynta aan la xaqiijin karin.
Afhayeenka faah-faahin dheeraad ah kama bixinnin weerarka dhinaca cirka ah ee ay shalay ku qaadeen magaalada Kismaayo oo ah magaalada kaliya ee muhiimka ah ee ku dambeysa gacanta Al-Shabaab
Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ay ciidamada cirka Kenya u geysteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ay ku geeriyoodeen maleeshiyaad aan tiradooda saxda ah la ogaanin oo Al-Shabaab ka tirsan.
Posted Afgooy
(by; ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Clinton presses Rwanda, DRC leaders on border crisis

Dowlada Cusub ee Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha Masar oo ugu Baaqay Caalamka in ay Taageeraan.

Kenyan teachers reach pay deal, end strike