Popular posts from this blog
Sheeko kusaabsan isjecelka Raga iyo Haweenka iyo waliba isnecebkooda
Cilmi baaris qoto dheer oo ay dhawaan sameeyeen koox khubaro ah oo xeel dheerayaal ah oo ka tirsan Jaamacadda lagu magacaabo University of Pavia, ayaa lagu bayaamiyay Qodobo dhawr ah oo u aad u xiiso badan oo nuxurkoodda si guud loogu soo koobay Astaamaha ama sifooyinka ku saabsan dhinaca JACAYLKA, ee ay Haweenku intoodda badani ay ku nacaan Ragga hadii ay ku arkaan. Hadaba Nuxurka Qodobaddan ay daraasadu diiradda saartay oo aanu iddiin soo koobnay waxa ay kala yihiin sidatan. 1-Noocyo Ka Mid Ah Dareenadda Jacaylka Ah Ee La Waddaago: Inta badan haweenku waxay doorbidaan inay si waji furan ula hadlaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ku dhex nool yihiin, waxaanay si sahlan u samaystaan asxaab ay la wadaagaan dareenka waxa ay ka hadlayaan iyo xiriiradoodda, laakiin raggu aad ayay ugaga duwan yihiin dumarka arrintaa mana jecla in ay u soo bandhigaan dumarka dareenkooda, taas oo dumarka qaar ay ku adkaato in ay jawaab u helaan ama ay fahmaan sababta aarintan keentay. 2. Noocyadda ...
Qalalaasaha Tigray: Faahfaahinno ka soo baxaya khasaaraha xooggan ee ka dhashay dagaalka Itoobiya
Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka dalkaasi ay dileen 550 ka tirsan dagaalyahanada (TPLF) xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda gobolka Tigray. Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya Sheegasha dowladda dhexe ee Itoobiya. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli la soo sheegayo boqollaal dhimasho ah oo labada dhinac ah. Talaadadii madaxa TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay dwoladda Eritrea inay weerar ku soo qaaday gobolka Tigray. Eedeyntaasi ayaa waxaa beeniyay dowladda Eritrea iyo militariga Itobiya. Dhanka kale booliiska fedaraalka Itoobiya ayaa waxay sheegeen in la xiray 17 sargaal oo ka tirsan militariga, islamrkana lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen shirqoolkii toddobaadkii aanu soo dhaafnay lagu weeraray saldhig militari oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya. Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay carqaladeeyeen isgaarsiintii u dhaxeysay saldhiga iyo xarunta ciidamada qaranka. BBC SOMALIA
Comments
Post a Comment