Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyn ee xarunta gobbolka Hiiraan ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu fatahaad khasaare hantiyadeed dhalisay uu ka geystay xaafado ka tirsan magaaladaasi, kadib roobab xooggan oo ilaa xalay ka da’ayay magaalada Baladweyn iyo hareerahdeeda.
Fataahaadda uu Wabiga Shabeelle ka geystay magaalada Baladweyn ayaa timid kadib daadad badan oo ka dhashay roobab saacado badan qaatay oo ka da’ay magaalada.
Xaafadaha ay fatahaadda ka dhacday ayaa waxaa kamid ah Buundo Weyn, Xaawo Taako, iyo  Kutimbo, ayadoo biyaha fatahaaddu ay bur buriyeen guryo badan.
Waxaa jira dad ku geeriyooday fatahaadda iyo carruur badan oo lagu la’yahay biyaha fatahaada.
Dadka reer Baladweyn ayaanan garaneynin meel ay u barakacaan maadaama buuraha waaweyn ee magaalada oo markii hore loo barakici jiray ay hadda degganyihiin Ciidamada Itoobiya.
Posted Afgooy
(Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)