Deegaanka Janaay Cabdalla ee Gobolka Jubadda Hooose ayaa Xalay ka Dhacay Dagaal Xoogan.

Wararka saaka naga soo gaaraya deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii 60km u jira magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalculus uu xalay ka qarxay deegaanka kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada Soomaaliya ku lahaayeen Janaay Cabdalla.
Saraakiisha ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya kama hadlin weerarka xalay hase yeeshee dad deegaanka ku sugan ayaa sheegaya in weerarka xalay uu socday qadar ka badan iyadoo la maqlayey dhawaqa hubka culus iyo kan fudd oo la isu adeegsanayo.
Ma cadda khasaaraha kala gaaray labada dhinac, sidoo kalana Al-Shabaab ma bixin faahfaahin dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka inkastoo ay sheegeen inay iyagu weerareen deegaanka.
Xaalada Janaay Cabdalla ayaa saaka degan iyadoo ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya ay joogaan deegaanka.
Dhanka kale waxaa maalintii shalay deegaanka Janaay Cabdalle soo gaaray saraakiil ka tirsan kuwa Kenya iyo AMISOM iyadoo diyaarad helicopter ah ay halkaasi geysay.
Saraakiishan ayaa sida wararku sheegayaan wada hadal la yeeshay saraakiisha ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenyanka ee ku wada sugan Janaay Cabdalle iyadoo laga hadlay dilkii askariga Kenya uu u geystay maalinimadii Sabtida 7 ruux oo rayid ah kuna dhaawacay kuwa kale.
Diyaarada helicopterka ah ayaa isla shalay qaaday askarigii dilka geystay oo hubka laga dhigay iyo labo ruux oo ku dhaawacmay rasaastii uu la beegsaday askariga Kenyanka ah kuwaasoo lagu soo daweynayo magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Afhayeenka ciidamada dawlada Adam Xersi Rufle oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyey in askariga dilka geystay iyo dhaawacyada loo qaaday dalka Kenya, isagoo sheegay in saraakiisha Kenyanka ay u sheegeen in askariga maxkamad lagu saari doono dalkiisa.
Dilka askariga Kenyanka uu geystay ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay hay’adaha xuquuqda aadanaha, saraakiisha Soomaalida iyo xitaa masuuliyiin ka mid ah AMISOM.
Posted Afgooy
(by; ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele