Dowlada Cusub ee Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha Masar oo ugu Baaqay Caalamka in ay Taageeraan.

Madaxweynaha dalka Masar Dr. Maxamed Mursi oo hadal ka jeediyay shirka guud ee Qaramada Midoobay ee New York ayaa ku boorriyey beesha caalamka inay taageerto dowladda cusub ee Soomaaliya, si ay u noqoto mid cagaheeda isu taagta.
Madaxweyne Maxamed Mursi ayaa bogaadiyay isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya, kaasoo uu ku tilmaamay ifafaalo wanaagsan oo ka soo muuqatay Soomaaliya.
Dr. Mursi ayaa sheegay in dowladdiisa ay horey u ballan-qaadday inay garab istaageyso dowladda Soomaaliya.
Magaalada New York waxaa lagu qabtay shirar gaar ah oo looga hadlay isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida beesha caalamka ay taageero ugu fidin karto dowladda cusub ee Soomaaliya.

Posted Afgooy
(Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele