Gobolada Koonfur galbeed, oo soo galay Ciidamo ku Hubeysan Dabaabaadyo kuna sii socoda magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamo cusub oo wata gaadiidka gaashaaman iyo taangiyo ay shalay ka soo talaabeen xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ku sii jeeday jiidaha hore ee dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Kenya, kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah.
Sida warku sheegayo ciidamadan ka soo talaabay xadka oo ah ciidan Kenyaati ah ayaa la sheegay inay soo dhaafeen shalay gabaldhicii degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, kuwaas oo la sheegay inay gaareen deegaanka Janaay Cabdalla oo ah deegaan ay isku horfadhiyaan dhinacyada uu dagaalku u dhaxeeyo.
Ciidamadan oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah ee ay ka koobanyihiin ayaan sidoo kale la ogeyn inay bedelayaan ciidamada Kenya ee horay ugu sugnaa gudaha dalka Soomaaliya iyo inay yihiin kuwo cusub oo lagu soo biiriyey ciidamada Kenya ka dib markii ay dhaqaaqi waayeen ciidamada Kenya oo muddo ka badan 15-maalmood ku sugan deegaanka Janaay Cabdalla, ka dib markii ay difaac adag kala kulmeen ciidamada Xarakada Al-shabaab oo sheegay inaysan si sahal ah uga bixi doonin Kismaayo.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamadan loogu talogalay inay ka qeybqaataan qabashada magaalada Kismaayo ee ay Kenya dooneyso inay gudaha ugu gasho, iyadoo kaashaneysa ciidamada Soomaaliya, waxayna Kenya ku hungowday gelidda magaalada Kismaayo oo ay difaacyo adag kala kulmeyso, waxayna ciidamadan soo gelitaankooda uu ku soo aadayaa iyadoo ciidamada Kenya ay horay u sheegeen in ciidamada Xarakada Al-shabaab ka baxeen magaalada Kismaayo.
Si kasta oo ay ahaataba bishii October ee sanadkii 2009-kii ayey aheyd markii ciidamada Xarakada Raaskambooni laga soo saaray magaalada Kismaayo, waxayna noqoneysaa sanadkii 3-aad ee ay weli ku dagaalamayaan inay dib u hantaan Kismaayo iyagoo markani ay is garabsanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, sidoo kalena ciidamo Kenya ayaa gelitaanka Kismaayo waxay ku qaadatay muddo ku dhow sanad, iyadoo aysan muuqan illaa iyo hadda hormar dhinaca Kismaayo ah oo ay gaarayaan Kenya.
Posted Afgooy
(by; ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele