Hadalkii ka soo Yeeray Xisbul Islaam, oo ka Hadlay danjire Augustine Mahiga Sheegayna in loo Baahan Yahay Dib u Heshiisiin.


Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in xilligii hore iyo hadda ay rajadiisa ku aaddan Soomaaliya aad u kala duwan tahay, wuxuuna xusay in xilligii hore uu ka rajo wanaagsan yahay xilligan.
Danjire Mahiga wuxuu xusay in doorashadii uu Baarlamaanku doortay Madaxweyne cusub ay astaan u tahay in dalka uu ka baxayo dhibaatooyinkii muddada dheer soo jiray, isagoo xusay inuu rajeynayo in toddobaadkan lasoo magacaabo Ra’isul wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad.
Sidoo kale Mahiga ayaa go’aankii ka soo baxay Xisbul Islaam ee ahaa inay ka baxeen Al-shabaab uu astaan u yahay in Soomaaliya ay ka gudbeyso xaaladihii khatarta ahaa, isagoo sheegay in tani ay tahay fursad aan horay u dhicin oo looga baahanyahay siyaasiyiinta Soomaalida inay dalka ku nabdeeyaan.
“Waxay ila tahay tani inay billow u tahay in xukuumadda cusub ay wajaheyso inay sameyso nidaam siyaasadeed oo wax ku ool ah iyo dib u heshiisiin ay ka qeybgalaan xubnihii ka tirsanaan jiray Al-shabaab, waana furasddii ugu wanaagsaneyd ee soo marta Soomaaliya 22-kii sano ee ugu dambeysay” ayuu yiri danjire Mahiga oo BBC-da la hadlay.
Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay dagaalka ku wajahan Kismaay, isagoo sheegay inuu dhameystiran yahay qorshaha la doonayo in lagu qabto Kismaayo, isagoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ugu baaqay inay yareeyaan khasaaraha shacabka kas oo gaari kara dagaallada, mana uusan ka hadlin khasaarihii ay geysteen ciidamada Kenya oo dad badna ku laayey deegaanka Janaay Cabdalla.
Posted Afgooy
(Ishabaydhaba)
 

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele