Kismaayo oo AMISOM Gudaha u galay.


AMISOM ayaa saaka gudaha magaalada Kismaayo galay, kuwaasi oo la sheegay inay ka soo galeen dhanka badda.
Qof goobjooge ah ayaa Warbaahinta u sheegay in laga cabsi qabo in lagu dhex dagaallamo magaalada, ciidamada magaalada soo galay waxay qabsadeen Jaamacadda Kismaayo, sida ay sheegayaan warar aan helnay.
Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Col. Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay insaakay aroortii ay ciidanka huwanta u dhaqaaqeen dhinaca magaalada Kismaayo.
Kismaayo waa magaaladii ugu weyneyd ee ay haysatay maleeshiyada Al-Shabaab.
 
Posted Afgooy
(Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele