Madaxtooyada Soomaaliya oo Isbedel Xoogan Ka Bilowday.

Isbedel dhanka shaqooyinka ah oo si hoose u socda ayaa ka bilawday xafiisyada xarunta madaxtooyada Soomaaliya “Villa Soomaaliya” ee Muqdisho, sida aan ka ogaanay saraakiil madaxtooyada jooga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankii ugu horeeyay ee uu la yeeshay shaqaalaha madaxtooyada saddex maalmood kadib doorashadii dhacday 10/09/2012, ayuu ugu ballanqaaday shaqaalaha madaxtooyada inaysan ka welwelin shaqooyinkooda oo ay sii joogi doonaan taasoo dad badan u fasirteen hadal sabarsiin ayaa hadda waxaa ku yimid isbedel.
Sida ilo wareedyada noo waramay, ay sheegayaan waxaa isbedelkan xoogiisa ku lug leh la taliyaha madaxweynaha Faarax Sheekh C/qaadir oo hadda ah ninka talooyinka iyo go’aanada madaxtooyada ay ka soo fulaan.

Saraakiil la ceyriyey
Tan iyo markii madaxweynaha cusub iyo shaqaalihiisa ay sida rasmiga ah u degeen xarunta Villa Soomaaliya waxaa socday shaqo ka fariisin si qunyar ah loo sameynayey taasoo aan si weyn loo dareemin balse ahayd qorshe in dhoweyda la filayey inuu dhici doono.
Waxaa saraakiisha shaqada laga qaaday ka mid ah:-
1- Mursal Saney, oo ahaa Madaxii hab maamuuska madaxtooyada (Protocol) ee dawladii Shariif Sheekh.  Waxaa lagu bedelay nin lagu magacaabo Kamaal Daahir Guutaale oo horey uga soo shaqeeyay shirkii ansixinta dastuurka.

Xil magacaabista Kamaal Daahir waxaa kaga horeeyey Jamaal Maxamed Baaroow oo ka mid ahaa xubnihii xisbiga PDP (Xisbiga Nabadda iyo Horumarka) ee madaxweyne Xasan Sheekh.  Jamaal Baarow waa suxufi caan ahaa kana soo jeeda beelaha Shanaad, laakiin Jamaal Baarow ma ahayn nin miisaan ku leh Faarax C/qaadir agtiisa sidaasi darteedna xilka waxaa lagu wareejiyey Kamaal Guutaale oo degaan ahaan ka soo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Saraakiisha madaxtooyada badankood way ku wareereen markii ay maqleen in Kamaal Guutaale loo magacaabay madaxa guud ee hab maamuuska madaxtooyada waayo dad badan baa u heystay inuu ku dhowaa raysul wasaarihii hore C/weli Gaas- walow magacaabistiisa loo dhigay qaab kumeelgaar ah.
2- Maxamed Macalin, oo ahaa agaasimihii guud ee shaqaalaha madaxtooyada isla markaana ahaa nin ay aad isugu dhowaayeen Shariif Sheekh, waxaana lagu bedelay Ibraahim Sheekh Muxyidiin.   Ibraahim wuxuu xubin ka ahaa xisbiga PDP,- mida ugu muhimsana waxay qaraabo dhow yihiin mid ka mid ah xaasaska madaxweynaha cusub.
3- Maxamed Maxamuud Koofi, oo ahaa madaxii amaanka madaxtooyada kana mid ahaa saraakiishii hore ee Maxkamadaha Islaamiga ee la soo shaqeeyay Shariif Sheekh ayaa isaguna laga xayuubiey shaqada.  Waxaa isaguna lagu bedelay C/xakiin Farey oo ka tirsanaa saraakiisha Xisbiga PDP.
C/xakiin Farey wuxuu kaloo ka tirsanaa hay’adda nabadsugida, ku dhowaanshihiisa Faarax C/qaadir darteed ayaana la rumeysan yahay in loogu abaalmariyey xilka madaxa amaanka madaxtooyada.
Waxaa sidoo kale la ceyriyey shaqaalihii dhanka cunto karinta iyo kuwii qaabilsanaa adeegga guud ee madaxtooyada oo dhamaantood lagu bedelay kuwo cusub.  Mid ka mid ah il wareedyada ayaa sheegaya in cunto kariyaha madaxweynaha  laga dhigay nin aan magaciisa helin oo horey uga shaqeyn jiray hay’ad uu lahaan jiray Faarax C/qaadir sanadihii 2000 kaasoo hadda dib loogu yeeray.
Saraakiisha warfaafinta iyo kuwa kale xiriirka dadweynaha ayaa dhamaantood isbedelku ku soo fool leeyahay sida ilo wareedyadu ay sheegayaan.
Dhanka kale labada xaas ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyaguna soo degay Villa Soomaaliya, iyadoo xaaska weyn ee madaxweynaha oo deganeyd dalka Kenya ay dhowaan ka soo guurtay halkaasi, waxaana ay noqoneysaa marwada koowaad ee dalka “the first lady”.

Wariye Fahad Yaasiin oo madaxtooyada lagu arkay; Madaxii Telefishanka af Carabiga ee Al-Jasiira qeybtiisa xafiiska Soomaaliya, Fahad Yaasiin oo labo usbuuc ka hor iska casilay shaqadii telefishanka Al-Jasiira ayaa isaguna lagu arkay madaxtooyada.  Fahad wuxuu kaalin weyn ku lahaa ololihii doorashada madaxweyne Xasan Sheekh sidaasi darteedna wuxuu hadda u arkaa inuu helay fursad xil uu kaga heli karo madaxtooyada.
Ka sokow ololaha doorashada, Fahad Yaasiin waxay qaraabo dhow yihiin Faarax C/qaadir oo ayna isku koox ku wada jiraan, waxaana dad ku dhow ay inoo u sheegeen in xitaa iscasilaada Fahad Yaasiin uu qeyb ku lahaa Faarax C/qaadir oo hadda u qalqaalinaya Fahad in xil laga siiyo dawlada cusub.
Kaararka aqoonsiga madaxtooyada
Sidoo kale masuuliyiinta madaxtooyada ayaa dhowaan shirkad maxalli ah heshiis kula gashay inay u daabacdo kaarar cusub oo aqoonsiga madaxtooyada ah si loogu bedelo kaararkii hore ee lagu geli jiray Villa Soomaaliya kuwaasoo saaxiibada cusub ee madaxtooyada ay ka cabsi qabaan in loogu soo gabado loogana fogaado in xubnihii kooxda Aala Sheekh ee horey ugu awooda badnaa madaxtooyada inay madaxtooyada yimaadaan.
Tallaabooyinkan ayaa lagu micneeyay olole ballaaran oo kooxda cusub ee Dam Jadiid ee hadda awooda muuqata ku leh madaxtooyada ay rabaan inay uga takhalusaan kooxda Aala Sheekh oo xukunka looga guuleystay.  Beryihii u dambeeyay ayaa si weyn loo arkayey xubnaha Dam Jadiid oo madaxtooyada ku sii xaroonaya.
Maxay yihiin Dam Jadiid?
Dam Jadiid, waa erey af Carabi ah oo micnihiisu yahay “Dhiiga Cusub” [New blood].  Sida xubnaha qaarkood oo aan la sheekeysanay ay noo sheegeen magacan wuxuu soo bilawday sanadihii 2000 markaasoo ahayd xilligii ururka AL-Islaax (oo u nasab sheegta Kooxda Ikhwaanul Muslimiin) ay u kala jabeen labo garab.  Garab u badnaa dhalinyaro aad u firfircooneyd ayna ku jireen raggii jaamacadaha kasoo baxay xilligaasi ayaa la baxay “DAM JADIID” waxayna kooxdan markii dambe noqdeen kuwii taageeray kacdoonkii Maxkamadaha Islaamiga ee sanadkii 2006 ka curtay koonfurta Soomaaliya, xilligaasi ayaana si fiican uu u soo bannaanbaxay khilaafka labada garab ee ururka Al-Islaax ka dhexeeya.
Garabka labaadna, waxay u badnaayeen odayaashii aas aasayaasha Al-Islaax ee magaca dheer lahaa, waxayna xubnahan ahaayeen kuwii markii hore gacanta ku hayey talada iyo maamulka guud ee ururka waxayna ka soo horjeesteen kacdoonkii Maxkamadaha oo ay xitaa dhowr jeer si cad u naqdiyeen siyaasadii Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya.  Garabkan oo hadda loo yaqaano “Qadiim“ [kuwii hore] ayaa weli heysta magaca guud ee Xarakada Al-Islaax.
Madaxweyne Xasan Sheekh isagu asal ahaan kama tirsanaan jirin kooxda Dam Jadiid, laakiin waxaa saameyn weyn ku yeeshay Faarax Sheekh C/qaadir oo mudo dheer ay saaxiib ahaayeen kana mid ahaa raggii horey uga gadooday Al-Islaaxdii qadiimka ahayd.  Faarax isagu asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa koox diimeed aad u yar oo aan ka tirsaneyn Al-Islaax oo lagu magacaabo ‘ISXAAQIYA’.    Kooxda Isxaaqiya waxay dhaqdhaqaaq firfircoon ku leedahay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi oo rag ganacsato oo iyaga ka tirsan ay degan yihiin.
Waxaa kaloo la sheegaa inay xiriir fiican la leeyihiin dawlada Qadar oo doorashadii dhowaan ka dhacday Dalka ee madaxweyne Xasan Maxamuud lacag fara badan ku bixisay.
Loolanka Aala Sheekh iyo Dam Jadiid, ma ahan mid cusub ama ka dhashay doorashada Xasan Sheekh Maxamuud, hase yeeshee sida ay leeyihiin xubno labada dhinac ka kala tirsan oo aan la kulanay waxaa jira mabaadii’ waaweyn oo ay labada dhinac isku diidaanayeen mar walba kuwaasoo sabab u ahaa in markasta oo koox ka mid ah labada kooxood ay meel qabsato ay isaga ilaalin jirtay inay kooxda kale ka soo agdhowaato.

Posted Afgooy
(Ishabaydhaba)


 

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele