Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, oo Marakiib dagaal duqeeyay.

 Maraakiib nooca dagaalka oo la aaminsan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaa saaka dhowr gantaal ku tuuray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, walow aan illaa imika la sheegin cid wax ku noqotay duqeyntaas.
Gantaallada ay soo tuureen Maraakiibta ayaa intoodii badnayd ku dhacay dhul bannaan, waxaana wararku ay sheegeen in mid kamid ah gantaalladaasi uu ku dhacay Dekadda Kismaayo iyadoona la sheegay in burbur uu gaarsiiyay mid kamid ah dhismayaasha ku yaal marsadda magaalada Kismaayo.


Posted afgooy
(by;HOL)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele