Magaalada Kismaayo iyo Wararkii ugu Dambeeyay.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo siweyn uga argagaxay duqeymaha joogtada ka noqday degmada, iyo hanjabaadaha wali ka soo baxay saraakiisha dalka Kenya, ayaa xalay ilaa saakay dhagta kor hayay, iyaga oo ka cabsi qabay duqeymo lagu soo garaaco xaafaddaha ay ku nool yihiin, laakiin ilaa iyo waqtigan lama soo sheegin wax duqeyn ah oo ku dhacday magaalada.
Qof ku sugan magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in walow ay saakay degan tahay magaalada, haddana in ay wali jirto xaalad kacsanaan ah, iyadoo dadku yihiin kuwo aan cago badan ku taagneyn laakiin aan ka bixin karin magaalada kadib markii ay awaamiir culus dul dhigeen horjoogayaasha Al-shabaab.
Wararku waxaa ay sheegaan in horjoogayaasha Al-shabaab iyo dagaallyahanadooda intaba isaga baxeen gudaha magaalada, iyaga oo fariisimo ka dhigtay daafaha magaalada, waxaana ay ka cabsi qabaan in wax yeelo ka soo gaarto duqeymaha ku dhacaya magaalada, halka dadka shacabka ahna ay ku wargaliyeen in aysan ka bixin karin gudaha magaalada.
Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay  in ay sii wadi doonaan duqeynta magaalad Kismaayo ilaa sida ay sheegeen ay gacanta uga dhigayaan magaalada.
Posted Afgooy
(Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele