Muqdisho oo lagu Qabtay Dhalinyaro doonaayey inay miino dhulka ku duugaan

 Ciidamada nabad-sugidda qaranka ee Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay 3 nin oo dhallinyaro ah, kuwaas oo qorsheynayay in ay miinooyin ku aasaan waddooyin ku yaalla magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidamada nabad-sugidda qaranka ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in dhallinyarada xalay laga soo qabtay xaafadda Coca-Cola ee degmada Yaaqshiid, iyagoo wata miinooyin iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.
Taliyaha oo warbaahinta tusay dhallinyaradaan iyo hubkii ay wateen ayaa sheegay in ay yihiin wiilal da’yar oo lasoo qalday, kuwaas oo doonayay in ay waxyeelleeyaan dad rayid ah.
Khaliif Axmed Erag wuxuu tilmaamay in ciidamada nabad-sugidda ay sii wadi doonaan howlaha ammaanka Muqdisho lagu adkeynayo, isagoo u soo jeediyay dhallinyarada la qalday in ay ka waantoobaan falalka noocaan oo kale ah.
Dhallinyarada ayaa warbaahinta horteeda ka qirtay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, ayna doonaayeen in sameeyaan ay falal amni-darro ah.
Posted Afgooy
(Ishabaydhaba)




Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele