Muqdisho Tababar uga Furmay Ciidamo Boolis ah

ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta wuxuu tababar uga furmay dugsiga tababarka ciidamada booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Xaflad lagu furayay tababarka oo ka dhacday dugsiga Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, taliyaha ciidanka booliska AMISOM, taliyaha dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye iyo madax ka socotay hay’adda UNDP.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Shariif Shiikhunaa Maye ayaa sheegay in tababarka uu socon doono muddo labo bilood ah.
Taliyaha ayaa sheegay in uu tababarku qeyb ka yahay horumarinta tayada ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidanka booliska AMISOM ee Muqdisho ka howlgala General Charles Makono ayaa sheegay in ay AMISOM gacan ka geysaneyso sidii tababar loo siin lahaa booliska Soomaaliya, si ay ugu filnaadaan sugidda amniga Muqdisho.
Posted Afgooy
(By;ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele