Sheikh-Hamed-Bin-Khalifa Qadar, wuxuu Golaha Amaanka ee QM ugu Baaqday in la Taageero Isbedelka ka Dhashay Soomaaliya.

Amiirka Qadar Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al-Taani oo sheegay in loo baahan yahay in la taageero isbadalka ka dhashay Soomaaliya.
Wuxuu yiri “Soomaaliya waxay yeelatay dowlad cusub, waa in aan taageernaa isbadalka ka muuqda, waxa aan taageersanahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud”
“Waan soo dhaweyneynaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxa aan ka rajeyneynaa in uu la yimaado wax qabad lagu farxo” ayuu yiri Amiir Xamad.
Qadar waxa ay ka mid tahay dalalka taageerada siiya dalka Soomaaliya, waxana ay door ka qaadatay xilligii abaaraha ay ka jireen Soomaaliya sannadkii hore.
Xubnaha Golaha ammaanka ee ku shirka New Yor ayaa shir kale oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya ku agqabanaya halka uu ka socdo shirka.
Wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisal wasaaraha uu waqtigiisa uu dhammaaday ayaa maalinta khamiista ee berri khudbad ka jeedin doona golaha loo dhan yahay.
Madaxda kale ee joogta shirka ayaa la filayaa in ay iyana ka hadlaan xaaladda Soomaaliya.
Posted Afgooy
(by; ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele