Taliyaha Ciidamada Dowlada Ingiriiska ayaa mugadisho ku tagay booqasho kuna kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay  taliyaha guud ee ciidamada dowladda Britain, Sir Peter Wall iyo safiirka Britain ee Soomaaliya, Matt Bough.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka kaddib saxaafadda u sheegay inay ka wada hadleen labada dhinac sidii loo tayeyn lahaa ciidamada qaranka Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka codsadeen dowladda Ingiriiska in ay gacan ka siiyaan sidii tababarro casri ah loo siin lahaa ciidamada Soomaaliya.
Taliyaha guud ee ciidamada Britain, Sir Peter Wall ayaa isagana tilmaamay in dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay inay ka caawiyaan dowladda Soomaaliya dib-u-dhiska ciidanka iyo qalabeyntooda.
Matt Bough oo ah Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda David Cameron ay dhinac walba kala shaqeyn doonto dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo xusay inay isku afgarteen madaxweyne Xasan Sheekh dhamaan qodobbadii ay ka wada hadleen.
Posted Afgooy
(by; ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele