Xisbul Islaam oo sheegay in ay ka Baxeen Al-Shabaab.

Ururka Xisbul Islaam oo sanadkii 2010-kii ku biiray kooxda Al-Shabaab ee xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa maanta shaaciyay in ay ka baxeen kooxdaas kaddib markii ay arkeen in inta badan waxyaabaha lagu heshiiyay aney hirgalin, sida lagu sheegay war maanta ka soo baxay sarkaal ka tirsan kooxda Xisbul Islaam.
Sheekh Maxamed Macallin oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam ayaa sheegay in uu dhammaaday midowgii iyo xiriirkii ka dhexeeyay labada dhinac hadda wixii ka dambeeyana aysan shaqo ku lahayn ururka Al-Shabaab.
Wuxuu saxaafadda u aqriyay illaa lix qoddob oo ay maanta soo saareen kuwaasoo kala ah:-
1- In Qorshihii ay ugu biireen Al-Shabaab aanu waxbo ka hirgalin taasoo ahayd in la soo celiyo midnimada ummada Soomaaliyeed.
2- In Xisbul Islaam ay weeysay xalkii markii hore keentay in ay la midowdo Al-Shabaab dedaal kasta oo la sameeyay aanu waxbo soo naasa cadaan waayay.
3- In laga bilaabo maanta aanay Xisbul Islaam ka mid ahayn Al-Shabaab isla markaana ay isku hadaf iyo siyaasad toona ahayn.
4- Inay qaateyn go’aan ah inay lahadlaan cidwaliba oo ka shaqaynaysa nabada iyo horrumarka Soomaaliya.
5- Inay Doonayaan In dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.
6- Ugu dambeyn in ciimada shisheeye ee ku sugan dalka ay ku joogaan si sharci daro ah, isla markaana lagu amraayo in dalka laga saaro.
Wuxu sheegay Sheekh Maxamed Macallin in go’aankan ay la qabaan hoggaankii sare ee Xisbul Islaam oo uu ka mid ah yahay hogaamiyahooda Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka tirsanaa madaxda Al-Shabaab.
Waxa laga yaabaa in Xisbul Islaam ay la hadasho dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalka maanta ka soo yeeray Xisbul Islaam ayaa ku soo beegmayaa iyadoo Al-Shabaab laga qabsaday dhul badan oo ay ku jitro caasimada Soomaaliya ee Muqdisho
Posted Afgooy
(by; ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele