Australia Digil iyo Mirifle oo kushirey.

Digil iyo Mirifle 30/10/2012, waxaa kulan ballaaran oo ujeeddadiisu ahayd kala warqaadasho iyo wadatashi isugu yimid xubnaha Jaaliyada Digil Mirifle ee ku nool magaaladda Melbourne, Austraaliya iyo Mudane Maxamed Aadan Farkeeti oo in dhowaalaba ku maqnaa gudaha dalka Soomaaliya isagoo ku howlanaa dhismaha dowlad-goboleed ay yeeshaan degaanada Koofurta Soomaaliya. Kulankaasi, waxaa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaaliyadda Digil Mirifle oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Jaalliyadda Mudane Awees Sheikh Muxiyadiin Amiin, Madaxa Guddiga Odayaasha Jaaliyadda Mudane Maxamed Cali Xaamud, Madaxda guddiyada kala duduwan ee Jaaliyadda, wax-garadka, aqooyahanada, culumaa diinka, haweenka iyo dhallinyarada.
Shirka waxaa lagu furay ayaado quraan, waxaan xiriiriye ka ahaa Aqoonyahan Isaak Hassanow (Unishef) oo ka warbixiyey ujeedada kulanka iyo qaabka uu u socon doono barnaamijka inta lagu guda jiro kulanka.
Aqoonyahan Isaak wuxuu hadalka ku wareejiyey Guddoomiye Mudane Awes Sh. Muxiyadiin Amin oo ugu horeyn isagoo ku hadlaya magaca Jaalliyadda si diiran ugu soo dhoweeyey magaalada Melbourne Mudane Maxamed Aadan Farkeeti oo socdaal maalin ah kaga yimid magaalada Sydney, Australia.  Dabadeed Guddoomiyuhu wuxuu guda galay inuu warbixin kooban ka bixiyo dhibaatooyinka ka jira guddaha wadanka iyo dibedda, iyo sidii loogu hor tagi lahaa ama loo xalin lahaa dhibaatooyinkaas.
Isagoo ka hadlaya arimaha gudaha Jaalliyadda wuxuu Gudoomiyuhu ku booriyey ka qeybgalayaasha kulanka in lagu dadaalo midnimada ummada, iyo waqti dhaw la qaban doono shir weyne looga arinsan doono arrimo muhiim ah oo la xariira habsami u socodka howlaha Jaaliyadda.
Warbixinta Gudoomiyaha ka dib, waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Mudane Maxamed Farkeeti oo mudo 7 bilood booqasho howl ugu maqnaa gudaha dalka Soomaaliya iyo waddamada deriska la ahba.  Mudane Farkketi waxuu warbixin ka bixiyey arrimaha hoos ku qoran:
. Dhibaatada ka jirta wadanka Soomaaliya iyo dadweynaha Soomaalida ee qaxootiga ku ah wadanka Kenya.
. Xaaladda dadka ka soo bara kacay gobolada koonfurta Soomaaliya.
. Hirgelinta geedi socodka (Road Map) Soomaaliya.
. Qaabka lagu soo dhisay dowladda cusub ee Soomaaliya.
. Xaaladda nabedgalya ee Soomaaliya.
. Dhismaha Dowlad Goboleed ay yeelato deegaanada koofurta Soomaaliya.
. Doorka Jaaliyadda ay ka qaadan karto dhismaha dowladd goboleedka.
Ugu dambeenti, Mudane Farkeeti, waxuu Jaaliyadda kula dardaarmay in ay adkeeyaan midnimada ummada, door libaaxna ay ka qaataan did u dhiska wadanka Soomaaliya.
Intaa ka dib waxaa la guda galay qeybtii barnaamijka ee su’aalaha iyo jawaabaha, iyadoo ka qeybgalayaasha wixii su’aal ahee ay qabaan si toos ah u weydiinayey Mudane Maxamed Aadan Farkeeti oo si hufnaan, aqoon iyo garasho siyaasadeed aad u xeeldheer uga jawaabay dhammaan su’aalihii halkaa lagu weydiiyey ee ku saabsanaa mowduuca kulanka ee ahaa dhismaha dowlad-goboleed ee degaanada koofurta Soomaaliya.
Kulanka waxaa soo gunaanaday oo halkaasi talo, tusaale iyo dardaaranba kasoo jeediyey rugcaddaaga siyaasadeed Mudane Maxamed Cali Xaamud.  Mudane Xaamud wuxuu ka taariikheeyey berisamaadkii siyaasadda Digil-i-Mirifle, halka ay maanta wax marayaan iyo sida looga gudbi karo caqabadaha jira intaba.
Ugu dambeyntii waxaa shirkaasi ;
1. Lagu taageeray dowladda cusub oo ka dhalatay wadanka Soomaaliya,
2. Laga hortago dadka raba inay Jubooyinka ay maamul xaaran ah u sameystaan iyo
3. Sidii door wax ku ool ah looga qaadan lahaa dib u dhiska iyo horumarka wadanka.
 
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele