Cairo Embasy Somalia ee Egypt oo lajabsaday

Iyadoo ay maanta tahay maalin fasax ah oo loo dabaaldegayo ciidda Carafo ayaa waxaa la soo sheegayaa in la jabsaday xafiisyadii Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar.
Wararku waxa ay sheegayaan in xafiisyada safaaraddaasi ay jabsadeen rag furaha xafiisyada badashay, waxaana la sheegayaa in Safaaradda oo ka kooban saddex dabaq la jabsaday qeybta hoose ee Safaaradda, waxaana xafiisyada la jabsaday ka howlgalayay qunsulka safaaradda Ismaaciil Cabdi, xafiiska xogheynta, xafiiska baasaboorada, xafiiska u qeybsanaha waxbarashada Marwo Xaliimo Kulmmiye iyo Xafiiska U qeybsamaha Arimaha Ganacsiga Marwo Fowzia.
Qeybta labaad ee Safaaradda ayaa waxaa iyadana ku yaalla xafiiska Safriika Cabdullaahi Xasan, Xafiiska Xoghayaha koowaad ee Safiirka Marwo Xaliimo Axmed, Xafiiska ku xigeenka Ganaacsiga Mudane Bashiir Maxbuub. Qeybta sadexaadna waxaa degan oo uu hoy u yahay Safiirka Cabdullaahi Xasan.
Xafiisyada safaaradda ayaa la jabsaday xilli ay shaqaalaha iyo madaxda safaaradda ku maqnaayeen fasaxa ciidda carafe.
Qunsulka safaaradda Ismaaciil Cabdi ayaa saxaafadda u sheegay in arrintaas uu ka dambeeyay Safiirka safaaradda Cabdullaahi Xasan oo adeegsanaya labo nin oo uu dhawaan ka shaqaaleysiiyay Safaaradda Soomaaliyeed ee Masar, labadaas nin oo  magacyadoodu  lagu kala sheegay Bashiir Maxbuub oo ah Xoghayaha koowaad ee u qeybsamaha Ganaacsiga iyo  Ilyaas Sheekh oo isna ah Xoghaya labaad ee Safiirka.
Waxa uu Qunsulka sheegay in arrintani ay tahay sharci-darro qayaxan, uuna wargeliyay wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, tallaabada ugu haboonna ay iyadu ka qaadin doonto..
Dhanka kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa waxa ay arintani ka muujisay walaac iyo niyad jab, iyadoo ay horay u jirtay kalsooni darro Safaaradda iyo Jaaliyadda u dhaxeysa.
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhabo)

Comments

Popular posts from this blog

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele