D'Jabuti Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay saldhiggeeda milateri ee ay ku leedahay dalka Jabuuti
Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay saldhiggeeda milateri ee ay ku leedahay dalka Jabuuti, kaas oo ay ka duulaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee beegsada shakhsiyaadka iyo kooxaha argagixisada ah ee la raadinayo, kuwaas oo ku kala sugan dalalka Soomaaliya iyo Yeman.
Warbixin ay daabacday jariidada Al-Sharqal Awsat ayaa lagu sheegay in ay maalin kasta 16 duullimaad ka kacaan saldhigga, kuwaasoo kala aada dalalka Soomaaliya iyo Yemen si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha la raadinayo ee ku kala sugan Soomaaliya iyo Yemen.
Saldhigga Jabuuti ku yaalla waxaa ka howlgala 3200 qof oo isugu jira askar Mareykan ah oo shaqeeya xilligan, kuwa howlgab ah iyo dad rayid ah. Waxaa sidoo kale tababarro lagu siiyaa ciidamo kale oo ajnabi ah, si loo xoojiyo howlgalka la-dagaallanka argagixisada.
Howlgallada ay fulinayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la xoojiyay wixii ka dambeeyay markii lagu weeraray dalka Yemen markabkii USSCOL iyo sidoo kale markii ay sii xoogaysteen kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ka dagaallama.
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhabo)

Comments
Post a Comment