Israel iyo weerarkii Khartuum Sudaan

Khubarada Milatariga ee waddamada reer galbeedka ayaa markii ugu horaysay ka waramay weerarkii diyaaradaha Israel ku duqeeyeen 24-kii bishan October ku burburiyeen saldhig milatariga Suudaan leeyahay oo ku yaala duleedka Magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaas, kaas oo ay ku macneeyeen, mid cadayn u ah in israel diyaar u tahay duqayn dhinaca cirka ah oo ay ku beegsato xarumaha Nukliyeerka ee dalka Iiraan.
Khabiirada Milatariga ee dalalka Reer Galbeedku waxa ay soo bandhigeen, tirada diyaaradaha weerarkaas ka qayb qaatay, noocyada ay ahaayeen, sida ay ugu guulaysteen inay raadarada ka dhuuntaan, qaarna khalkhaliyaan, masaafada ay socdeen oo gaaraysa 3900-km, in dhexda ay shidaal ku kala qaateen, sababta Israel Xaruntaas u duqaysay, xiriirka Iiraan warshadaasi la lahayd iyo muddada weerarkaas la diyaarinayay, kuwaas oo marka la isku soo wada duubo daliil cadaan ah u noqon kara sida Israel diyaar ugu tahay in duulaanka kan xigaa noqdo xarumaha nukliyeerka Iiraan.
Jariirada todobaadlaha ah ee ka soo baxda caasimada Britain ee [Sunday Times] ayaa cadadkeedi ugu danbeeyay ee soo baxay axadii kaga faalootay, duqaynta diyaaradaha dagaalka Israel ku burburiyeen, Warshado hubka sameeya iyo xarumo milatari oo ku yaala duleedka magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan bartamihii todobaadkii hore.
Jariirada ayaa ugu horayn ka warantay sida weerarkaas loo fuliyay iyo inta diyaaradood ee ka qayb qaatay, oo Sunday Times markii ugu horaysay tiradooda xadiday, waxa ay jariiradu sheegtay in 24-kii bishan October ay sideed diyaaradood oo ciidamada cirka Israel leeyihiin, noocooduna yahay F-15, ay fuliyeen weerar lagu burburiyay saldhiga Yarmuuk ee duleedka Khartuum, kaas oo isugu jiray warshado hubka sameeya iyo xarumo ciidan.
Jariirada ayaa sheegtay in diyaaradahaa weerarka geystay ay isu qaybiyeen laba kooxood, oo min afar ah, kuwaas oo afarna weerarka fuliyeen, afarta kalana gaar ka hayeen ammaankooda, sidoo kale waxa ay jariiradu sheegtay in khabiiro milatari oo arrintan ay ka waraysatay una dhuun daloolaa tilmaameen in diyaaradahaasi ku rideen dhawr gantaal oo midkiiba hal tan miisaankiisu yahay, awoodna u leh in ay dhulka la simaan saldhigaas.
Jariirada ayaa weerarkan ku tilmaantay mid cadayn u ah sida Israel u diyaarisay duulaan ay ku qaado xarumaha Nukliyeerka ee dalka Iiraan, waxaanay jariiradu is bar bar dhig ku samaysay tilmaamaha ay siiyeen khabiirada milatariga reer galbeedka ee ay soo xiganayso oo cabiray masaafada diyaadaha Yuhuud jareen markii ay weerarkaas fulinayeen iyo talaabooyinkii ay qadeen iyo waliba sidii ay radaarada uga dhuunteen.
Ugu horayn sida xogaha khabiirada reer galbeedka ee jariiradu soo xigatay tilmaamayaan, waxa ay diyaaradaha dagaalka Israel ee duqayntan fuliyay socdaaleen masaafo gaadhaysa 3900km, waxaanay inta badan duulayeen biyaha caalamiga ah ee bada cas, ka dibna waxa ay dalka Suudaan ka soo galeen dhinaca Bari, taas oo ay sabab u ahayd dhuumasho ay kaga gabanayeen Raadarada diyaaradaha sheega ee Masaarida, gaar ahaan kuwa ku rakiban xuduuda Masar Iyo Suudaan.
Diyaaradahan ayaa intii ay dhexda ku jireen shidaal ku kala qaatay hawada, waxa kale oo ay ku guulaysteen in ay khal khaliyaan raadarada difaaca cirka ee dalka Suudaan, taas oo sababtay in aanay Suudan wax difaac ah ka galin, diyaaradaha weerarka fulinayayna aanay ogaan, taas oo haddii ay dhacdo sababi kari lahayd in diyaaradaha Miga ah ee Suudaaniyiintu dagaal hawada ah ka gali lahaayeen.
Khabiiradan reer galbeedka ayaa ka waramay in hawlaha badankooda ay fulisay diyaarad nooceedu yahay, [Gulfstream G550], taas oo leh adeegyada elegtarooniga ugu sareeya ee khalkhaliya raadarada farsamadoodu dhex dhexaadka tahay ee Suudaan oo kale haysato, waxaanay diyaaradani wax badan ka caawisay weerarkaas in si nabad galyo ah uu u fulo.
Weerarkan Afarta saacadood qaatay ee sideeda diyaaradood ee Israel leedahay fuliyeen, ayay jariiradu sheegtay in macluumaadka khabiirada reer galbeedku sheegayaan inuu qaatay muddo hal sano ah diyaarintiisu, kaas oo ka dhashay xogo laga helay masuul ka tirsan ururka reer Falastiin ee Xamaas oo Sirdoonka Israel ee MOSAD laba sanadood ka hor ku dileen Magaalada Dubai.
Masuulkan oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Mabxuux ayay warbixinta jariiradu xiganaysaa, xustay in waraaqo laga helay boorsadiisa markii la dilay, ay daah fureen heshiis Iiraan iyo Suudaan wada galeen, oo Suudaan Iiraan ugu ogolaatay in dalkeeda ay ku farsamaysan karto hubka nukliyeerka ah iyo gantaalaha ridada dheer, nuqulkaas oo ay jariiradu sheegtay inuu sabab u ahaa weerarka diyaaradaha dagaalka Israel ku qaadeen warshada Hubka Suudaan ee duleedka magaalada Khartuum.
Ugu danbayntii khabiiradan reer galbeedka ee jariirada Sunday Times soo xigatay ayaa sheegay, in saldhiga Yarmuuk ee ay Duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Israel la rumaysan yahay, in lagu farsamayn jiray, gantaalaha Plastic-ga loo yaqaano oo khabiiro reer Iiraan ahi farsameeyaan, kuwaas oo looguPosted Afgooy
 tala galay in Xisbullaah iyo ururka Xamaas lagu hubeeyo.
 
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele