Kismaayo; Ururka Midowga Africa oo diiday fasaxida dhuxusha oo ladhoofiyo.

Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika ayaa ku kala aragti duwanaaday in la fasaxo dhuxusha ka dhoofta dekada magaalada Kismaayo, waxaana warsaxaafadeed dhawaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya lagu sheegay inaan marnaba la fasixi karin in dhuxul ay ka dhoofto dekadda magaalada Kismaayo halkaas oo hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya oo qeyb ka ah AMISOM, kuwa dowladda iyo Raskambooni.
Dowladda ayaa qoraalkaasi ku sheegtay in horey loo mamnuucay dhoofinta dhuxusha, isla markaasna uu jiray qaraar Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen ka dib markii ay caddaatay in Al-Shabaab ay dhaqaalaha dhuxushaasi ka soo xerooda u adeegsadaan dagaalada ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya ayaa ka dambeeyay codsi ka soo baxay saraakiisha AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya oo la kulmay ganacsatada Kismaayo, kuwaasoo sheegay in dhuxul gaaraysa illaa 4,000,000 (Afar milyan) oo kiish ay hadda bannaanka taallo ayna ku xumaan karto haddii aan la dhoofin, lacag lagu qiyaasay illaa $30-milyan oo doolar ayaana dhuxushaasi ay ku fadhidaa.
Codsigaasi ay ganacsatada soo jeediyeen ee loo gudbiyey AMISOM ayaa la gaarsiiyey xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa oo shir halkaasi ka dhacay todobaadkan looga hadlay, sida ay wax ka qoreen warbaahinta dalka Kenya, waxayna saraakiisha Midowga Afrika codsi ka horjeeda midka dowlada Soomaaliya u direen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo ay ka dalbadeen in xayiraada dhuxusha si ku meelgaar ah loo qaado si ganacsatada Kismaayo ugu suurtagasho in dhuxushooda u iib geystaan.
Codsigaasi waxaa ka dambeeyay in saraakiil hore uga shaqeeyay Guddiga cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ay ku taliyeen inaanay Golaha Amaanka qaadin xayiraada dhuxusha haddii kale ay fursad u noqon doonto dagaalyahanada Al-Shabaab ee weli duurka ku dhuumaaleysanaya kuwaasoo wax ka heli kara dakhliga ganacsatada ay ka helaan dhoofinta dhuxusha, mana cadda talaabada ay Qaramada Midoobay ka qaadan karto arrintan ay isku maandhaafsanyihiin dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ay hoostagaan ciidamada 20,000 gaaraya ee dalka ku sugan.
 
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele