Mogadisho, sh shariif ayaa lasheegay inuu degi doono Kampala Uganda, hada iyo xisbi cusub

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in uu maalinta arbacda oo taariikhdu 31-ka October in uu u guuro magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala , kadib markii halkaa looga diyaariyay guri uu dego.
Mid kamid ah ragii gacan yarayaasha u ahaa oo Kampala soo gaaray 10-kii bishan ayaa ku howlanaa diyaarinta iyo qalabeynta gurigan uu madax weynaha dalka uganda Musoveni ugu deeqay Shariif Sheekh Axmed, waxaana la sheegayaa in uu Shariifka gurigan cusub uu dajinayo xaaskiisa yar oo dhawaan maleeshiyada Al-Shabaab ay aabaheed dileen.
Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in marka uu Kampala gaaro kadib uu ku dhawaaqo xisbi siyaasadeed cusub oo uu doonayo in uu kaga qeyb qaato loolanka siyaasadeed ee dalka ka jira inkastoo aan la ogeyn cida uu doonayo in uu isbaheysi la sameysto maadaama ay hore isu khilaafeen kooxdiisii Aala Sheekh oo ay halgan dheer oo Eritrea kasoo bilowday soo wada galeen.
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele