Mombasa Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay dileen labo nin

Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay inay barqadii maanta magaalada Mombasa ku dileen labo nin oo loo maleynayo inay ku lug lahaayeen falal argagixiso kaddib markii rasaas ay is dhaafsadeen booliska iyo kooxda la weeraray.
Ku xigeenka madaxa dambi baarista ee gobolka Xeebta John Gachomo ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale howlgalka lagu xiray labo nin oo kale, halka afar kalena ay goobta ka baxstay.
Howlgalka ayaa ka dhacay xaafadda Majengo oo ay booliska weerareen guri ay ku sugnaayeen kooxda argagixisada ahayd.
Sarkaalka wuxuu sheegay inay qabteen saddex bam gacmeed, hal bastoolad iyo 37 xabbo oo rasaas ah.
Dhacdada ayaa timid 24 saac kaddib markii bam gacmeed laga dhex helay bas rakaab ah oo ka howlgala Mombasa.
 Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele