Saraakiisha ciidamada midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay inay sugayaan wadada isku xirta Leego iyo Mugadisho.

Saraakiisha ciidamada midowgga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in ay xaqiijinayaan nabad-galyada wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo deegannka Leego ee gobollka Sh/hoose.
Taliyaha guutada sagaalaad ee ciidamada AMISOM ayaa sheegay in mar haddii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa ee AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta deegaannka Leego muhiimadooda tahay in ay sugaa amaanka wadada laamiga ah.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jirta cabasho ba’an oo laga muujinayay rag ku labisan dareyska ciidamada dowladda oo dhibaato xoog leh ku hayay dadka safarka ee isticmaala wadada isku xirta Muqdisho ilaa magaalada Baydhabo.
Waxaa ay sheegeen saraakiisha ciidamada midowgga Africa in mar danbe aysan soo laaban doonin cabashada ku aadan dhibaateynta dadka rayidka ah, lagana hortagi doono kooxaha ku kaca falalka amaan darro.
Ciidaamada AMISOM ayaa shan maalmood kahor la wareegeen gacan ku haynta deegaanka leego halka saddex toddobaad kahor ay ku qabsadeen dagaal la’aan degmada Wanlaweyn.
 Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele