Wakiilka kaaliyaha xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka oo sheegay in uu Xabsi ka Furanayo wadanka somalia

Wakiilka kaaliyaha xoghaya arrimaha dibadda ee arrimaha siyaasadda iyo gaashaandhigga  iyo weliba la dagaalalanka burcad badeeda  ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in jiritaanka burcad badeeda Soomaaliya ay sabab u tahay iyadoo aysan Soomaaliya ka jirin xukuumad awood u leh oo si dhab ah uga shaqeysa gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in 2-dii sano ee tagtay 75% ay hos u dheceen weerardii ay kooxaha bucad badeeda Soomaalidu ka geysan jireen badweynta Hindiya iyo badda Cas, taas oo uu sheegay inay ku timid sida uu yiri iskaashiga ay sameeyeen dowladaha ay maraakiibta  dagaalka ka joogaan xeebaha Soomaaliya.
Sarkaalkan oo lagu  magacaabo Tomos Keyly waxaa kale oo uu sheegay inay jiraan dad waa weyn oo ka dambeeya kooxaha burcad badeeda, kuwaas oo uu sheegay inay maageliyaan, isla markaasna u soo iibiya doonyaha dheereeya ee ay kooxahaasi afduubka ku geystaytaan, sidoo kalena tababaro kala duwan siiya, kuwaas waa madaxda qarsoon ee lacagtu si dhab ugu tago ee buracd ma ahan oo keliya kuwa dhaliyarada ah ee la adeegsanayo haddana waxaan dooneynaa inaan u gaarsano  boqorada burcad badeeda ka dibana aan cadaaladda horkeeno, waxaana jira kuwaas madaxda ah kuwo ka mid ah oo aanu qabanay, hadda waxaan dooneynaa inaan xabsi weyn ka sameyno gudaha dalka  Soomaaliya kaas oo aan iska kaashaneyno Qaramada Midoobay si halkaasi loogu xiro kooxaha burcad badeeda ee la qabto.
“Waxaa jira illaa 2000-kun oo burcad badeed Soomali ah oo ku kala xiran dalal kala duwan, waxaana hadda dooneynaa inaan si dhab ah u baad-goobno ama u raadsano kuwa qarsoon ee madaxda u ah, inagoo adeegsaneyna awood kasta iyo baaritaano xeeldheer, sidoo kale waxaan u howlgaleynaa inaan ogaano halka ay ku dhacaan lacagaha burcad badeeda iyo cidda ugu shaqeysa iyo haddii ay jiraan ganacsiyo lagu darsaday ama shirkado ay lacag u dhiibteen, meelkastana waan kaga daba-tageynaa” ayuu yiri Thomas oo intaasi ku daray inay jiraan dalal badan oo aan iskaashi kala sameynayno sidii arrimahaasi dhammaantiid ku hirgeli lahaayeen.
Sidoo kale sarkaalkan ka tirsan dowladda Mareykanku waxa uu sheegay inay gacan ka siinayaan dowladda Soomaaliya dhinacyada ammaanka iyo hormarinta si ay u noqota dowlad xoog leh oo awoodda inay ammaanka dalka wax ka qabato si ay kooxaha burcad badeedu meesha uga baxaan.
 Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele