Wasiirka arrimaha dibadda ee Yugandha Asuman Kiyingi ayaa sheegay inay dib u eegis ku samayneyaan howlaha nabad ay Soomaaliya ka wadaan
Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay dib u eegis ku sameynayso howgalka ay ciidamadeeda ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya ee loogu mgaac-daray AMISOM ee Midowga Africa, ka dib markii lagu eedeeyay dowladda Yugandha inay farogelin ku heyso dalka ay dersika yihiin ee Kongo, isla markaasna taageeto Jabhada m23.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Yugandha Asuman Kiyingi ayaa sheegay isagoo wareysi siinayey BBC-da inay dib u eegis ku samayneyaan howlaha nabad ilaalinta ee ay Soomaaliya ka wadaan, waxaaana Soomaaliya ka jooga ciidanka ugu badan ee ka socda Midowga Afrika, isagoo sheegay in haddii ay Qaramada Midoobay raaligelin ka bixin-weyso eedaymaha aan ka fiirsiga laheyn inay iyana ka fiirsan doonto ciidankeeda jooga Soomaaliya, isla markaasna ay la bixi doonto ciidamadeeda ka mid ah AMISOM.
Eedaynta ayaa wasiirku sheegay inay tahay mid sumcad xumo u soo jiideysa dalka Yugandha, isla markaasna ay keenyaso inaan ciidamadeena kala soo baxno Soomaaliya, wuxuuna ku dooday wasiirku inaysan wax xasuuq ah ka geysan gudaha dalka Soomaaliya, warka Qaramada Midoobay ee ah in Yugandha ay xasuuq u geysatay dad shacab ahna uu yahay mid aan waxba ka jirin oo been abuur ah, wuxuuna intaasi ku daray in Qaramada Midoobay ay ka sugayaan raaligelin degdeg ah, isla markaasna ay markale ka fiirsan doonaan howlgalkooda Soomaaliya sida uu yiri.
Hadalka hanjabaadda ah ee ka soo yeeray dowladda Yuagandha ayaa imaanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay baaritaano ay sameysay ku ogaatay eedaymaha ay u soo jeedisay dowladda Yugandha, waxayna Qaramada Midoobay sheegtay in dalalka Yugandha iyo Ruwanda ay taageeraan jabhadda ka dagaalanta DR Congo, sidoo kalena dowladda Yugandha ay xasuuq aan loomeel-dayin ka geysatay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana lagu yiri warka Qaramada Midoobay “Dowladda Yugandha waxay dib u eegi kartaa howgalada ay ka waddo Soomaaliya, haddii eedaymo loo jeediyo ma aha inay tiraahdo dib ayaan u eegaynaa howlgalkeena Soomaaliya”.
Dowladda Yugandha ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamada uga badan ee ka socda Midowga Afrika, waxayna dharbaaxo xoogan ku noqoneysaa haddii ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya dowladda cusub ee Soomaaliya oo hadda un isku balaarineysa gobolada Soomaaliya, isla markaasna sheegtay in guud ahaan gobolada oo dhan ay la wareegi doonto, inkastoo haddii ay ciidamada Yugandha isaga baxaan Soomaaliya la saadaalinayo in dowladda cusub aysan wax awood ah u yeelan doonin inay sii waddo isbalaarinta ay hadda waddo.
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhabo)

Comments
Post a Comment