Baydhaba, Odayaasha Digil iyo Mirifle oo Magacaabay Guddi

Baaq Oday Dhaqameedyada Digil Mirifle ku Saabsan Dhismaha Maamul-Goboleedka Ku-Meel Gaar ah ee Koonfurta Soomaaliya

Ka dib:
. Markii la soo geba-gebeeyay wada tashi muddo dheer socday oo odayaasha la yeesheen qeybaha kala gedisan ee bulshada
. Markii la arkay dhibaatooyinka heysta dadka deegaanka  iyo baahida loo qabo in maamul xalaal ah loo helo deegaanadaas
. Tixgelin la siiyey federaaleyta dalka
Maanta oo taariikhdu tahay 24-ta Nofember 2012, Odey dhaqameedyada Digil Mirifle waxay magacaabeen guddi farsamo oo soo diyaariya nidaamka iyo qaab dhismeedka Maamul Goboleed ku meel gaar ah (KMG). Gudiga wuxuu ka kooban yahay 7 xubnood oo kala ah:-
1. Gen Maxamed Sh. Xasan
2. Mudoobe Nuunow Maxamed
3. Cabdullahi Shaleetay
4. Maxamed Aden Ibraahim
5. Eng Saalax Sh. Cusmaan
6. Cabdi Aden Hoosow
7. Ibrahim Aden Mohamed
Muddada jiritaanka guddiga waa labo bilood, wuxuuna howshiisa ku eg tahay marka la soo dhamaystiro hawlaha guddiga oo hoos ku xusan:
Xilka Guddiga:
1. Inuu soo diyaariyo nidaamka iyo qaab dhismeedka lagu soo dhisayo  Maamul Goboleed KMG.
2. Inuu la tashado kana soo qeyb geliyo dhamaan qabaa’ilada dega gobolada koofureed ee doonaya inay ka mid noqdaan Maamul Goboleedka.
3. Inuu wada tashi la sameeyo isla markaana si abaabulan u hawl-geliyo  qeybaha kala gedisan ee bulshada oo ay ka mid yihiin; haweenka, dhalinyarada, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, ganacsata iyo mudanayaasha  horay madaxweynimada usu soo sharaxay iyo kuwa cusub oo xilkaas u toog haya.
4. Inuu wargeliyo isla markaana is-kaashi ka raadiyo Dowladda Federalka
5. Inuu wacyi geliyo bulsha weynta ku nool guddaha waddanka iyo dibadiisaba
Ka dib marka guddiga farsamada soo bandhigo qaab dhismeedka Maamul Goboleedka KMG ah, oday dhaqameedyada ayaa soo xulaya xubnaha ka mid noqonaya Maamul Goboleedka KMG ah.
Maamul Goboleedka KMG ah wuxuu yeelanayaa gole sharci dejin, xukuumad fulin iyo hay’ada garsoorka. Hal sano gudihiis, Maamul Goboleedka KMG ah wuxuu soo dhisayaa maamulada degmooyinka iyo gobolada iyadoo lala kaashanayo dadka deegaanka.
Maamul goboleedka KMG ah waxaa la shaqeyn doono labo hawl-wadeen ka socda Dowladda Federaalka waxayna u xilsaaran yihiin xaqiijinta habsami u socodka hawl-galka dhismaha maamulada degmooyinka, gobolada iyo dowlad goboleedka.
Marka dhismaha maamulada la soo dhameystiro, Maamul Goboleedka KMG ah  waxay soo diyaarinaysaa shirweyne loo wada dhan yahay laguna soo dhisi doono Dowlad Goboleed looga baxayo ku meel gaarka. Dastuurka Dowlad Goboleed wuxuu ahaan doonaa mid waafaqsan dastuurka Dowlada Federaalka.

Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)


Comments

Popular posts from this blog

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele