Ethiopia; Hailemariam Ra’iisal wasaaraha oo sheegey iney ciidamadooda sii joogi doonaan Somalia

Ciidamada ka socda dalka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo dhawanahan la hadal hayay inay isaga baxayaan Soomaaliya ayaa hadana hadalkaasi waxa gaashaanka u daruuray Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya ee Hailemariam Desalegn waxa uuna sheegay in ka bixitaanka ciidamada itoobiya ay ku xiran tahay sharuudo dhowr ah.
Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya oo hadalkaan ka jeediyay kadib si wada jir ah kulan ay u wada qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyagoona ka wada hadlay arimaha Soomaaliya ay ka mid tahay ciidamada Itoobiyanka ee qeybta ka ah howlgalka loogu soo horjeedo Al-Shabaab iyo sidii meesha loogu saari lahaa.
“Waxaan sugeynaa ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya inay yimaadaan si ay inoo badalaan intaasi waxa ay ka danbeeyana waxaa sugeynaa ammaanka kadibna hadii ay yimaadaan waan isga baxeynaa Soomaaliya” Ayuu Yiri.
Hailemariam Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo Madaxweynaha Soomaaliya ay wada hadlayeen ayaa ilaa iyo haatan uusan bixin hadal rasmi ah oo ku aadan goorta Soomaaliya ay isaga baxayaan ciidamada Itoobiya taasina waxa ay ka dhigan tahay in ciidamada Itoobiya ay baaqi ay ku sii ahaan doonaan Soomaaliya ilaa iyo amar danbe.
Ciidamada Itoobiya ayaa Gobolo dhowr ah ka saartay Al-Shabaab halkaasi ay ku sugnaayeen waxa ayna garab istaagsan tahay dowlada Soomaaliya oo dagaalo kala soo horjeedo Ururka Al-Shabaab oo inta badan laga qabsaday qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan.
Iminka Gobolada dalka qaarkood waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele