Kismaayo; IGAD iyo AMISOM oo ku amray Axmed Madoobe iney ciidamadiisa kubiiraan kuwa dowlada

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in wafdigii ka socday urur goboleedka IGAD iyo AMISOM ee doraad tagay magaalada Kismaayo ay ku wargeliyeen hogaamiyeyaasha ururka Raaskambooni oo ay ciidamadiisu gacanta ku hayaan magaalada Kismaayo inay ciidamadooda ku biiriyaan kuwa dowladda Soomaaliya, isla markaasna aan la ogoleyn in urur gooni ah oo aan meelna ka tirsaneyn u ciidamo gaar ah ku yeesho gudaha dalka Soomaaliya.
Sida warku sheegayo kulan saacado badan qaatay oo dhexmaray xubno ka socday IGAD iyo hogaamiyeyaasha Raaskambooni ayaa lagu sheegay in ciidamada ku sugan Kismaayo ay qaataan hal magaca oo ah magaca ciidamada dowladda, ayna toos u hoostagaan dowladda Soomaaliya, sidaasi oo kalena dhammaan dhinacyada ciidamada gaarka ah ku leh ay iyana ku biiraan dowladda Soomaaliya.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in hogaamiyeyaasha Raaskambooni ay weydiisteen wafdigii ka socday IGAD in ciidamo gaar ah oo uu yeesho maamulka dhawaan loo dhisayo Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka, kuwaasina laga dhigo ciidamada Raaskambooni, hase ahaatee loo sheegay saraakiisha Raaskambooni dhismaha maamulkaasi marka ay suurtagasho uu yeelanyo ciidamo ammaanka suga oo ah kuwo gaar ah, ayna ka imaan doonaan dhinacyada maamulka halkaasi loo sameeyo.
Lama oga talaabada ay arrintaasi ka qaadan doonaan hogaamiyeyaasha Raaskambooni, waxaase la sheegay in dhammaan xubnihii ay la kulmeen wafdigii ka socday IGAD ay ku wargeliyeen in dhammaan ciidamada jooga gobolada Jubbooyinka ay noqdaan kuwo hoostaga dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay kala hadleen qaabka ay u doonayaan inuu u dhaco dhismaha maamulka lagu wado in laga dhiso gobolada Jubbooyinka, waxayna xubnahaasi sidoo kale ay la kulmeen Guddi farsamo oo ku gudajira dhismaha maamul u sameynta goboladaasi, kuwaas oo aan la faahfaahin waxyaabihii ay ka wadahadleen.
Sidoo kale xubnihii ka socday IGAD ayaa la sheegay in mas’uuliyiinta maamulka hadda gacanta ku haya ay kala hadleen dhoofinta dhuxusha oo hadda ka socota dekadda magaalada Kismaayo, lamana oga waxyaabaha ay rasmi ahaan isku afgarteen iyo wafdiga ogolaaday in dhuxushaasi la dhoofiyo iyo in kale, waxaase jira warar sheegaya inay amar ku bixiyeen in la joojiyo dhoofinta dhuxusha.

Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele