Mogadisho Howlgal ciidamda Nabadsugidda Soomaaliya sameeyey ayaa kusoo bandhigey rag kutirsan alshabaab

Howlgal ciidamda Nabadsugidda Soomaaliya ay kasameeyeen gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qabqabtay ugu yaraan 30 ruux oo lasheegay in ay kujiraan Amiiro iyo dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab.
Howgalkan ay fuliyeen ciidamada Hay’adda nabad sugida Qaranka Soomaaliya ayaa waxa ay ka fuliyeen dagmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa waxaana intii uu socday howlgalka ay soo qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab iyo hub ay ku aasten dhulka.
Taliyaha ciidanka nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag ayaa sheegay in dadka ay soo qabteen qaarkood ay yihiin Al-qaacidada Soomaaliya, kuwa kalane lagu sameyn doono baaritaano, isagoona carabka ku dhuftay in uu socon doono howlgalka.
 

Comments

Popular posts from this blog

Xisbul Islaam oo sheegay in ay ka Baxeen Al-Shabaab.

Chinese firm plans $3.5 bln Zimbabwe power plant -report

Sheikh-Hamed-Bin-Khalifa Qadar, wuxuu Golaha Amaanka ee QM ugu Baaqday in la Taageero Isbedelka ka Dhashay Soomaaliya.