Quruxda dumarka ay intooda badan sabab u noqdaan burburka ku yimaadda xiriirka Jacayladooda,baaristii Mr Rob Burriss

Cilmi baaris cusub oo ay sameeyeen xeel dheerayaal Khubaro ah ayaa natiijaddii ka soo baxday lagu sheegay in Xiriiradda Jacayl ee dhex mara Dumarka sida aadka ah u quruxdda badan iyo ragga in uu sida badan ku danbeeyo guul daro.
Daraasaddan sahaminta ah oo ay dhawaan si wadajir ah u sameeyeen Saynisyahano ka kala socda Jaamacaddaha Sterling, Chester iyo Liverpool Universities, ayaa lagu bayaamiyay in inta badan Dumarka aadka u qurxooni aanay ku faro adaygin xiriiraddooda Jacaylka iyada oo ay is mahadinta iyo is qancinta quruxdoodu ay sahashato Jacaylka ay u qabaan Ragga, halka Ragga caadiga ah ee aan aadka u quruxdda badnayni ay intooda badani si dhab ah ugu daacad yihiin Jacayladda dhex mara dumarka aan aadka u qurxoonayn, taas oo keenta in uu Jacayl kaasi noqdo mid si fiican oo miro dhal ah muddo dheer u sii shaqeeya.
Warkan oo lagu daabacay Wargeyska lagu magacaabo Telegraph, ayay Khubaradda daraasaddan samaysay ku sheegeen in ay baaritaano sahamin ah oo arrimahan la xiriira ay ku sameeyeen In ka badan Boqol lamaane oo isugu jira Rag iyo Dumar oo ay muuqaaladda quruxdooddu kala duwan tahay oo ay dhex mareen xiriiro Jacayl oo kala duwani.
Cilmi baarayaashu waxa ay sheegeen qaar ka mid ah Lamaanayaashan baaritaanadan lagu sameeyay in xiriiradooda Jacaylku ay shaqaynayeen oo kaliya muddo ku siman Dhawr bilood, halka kuwo kalena ay xiriirada Jacaylkoodu shaqaynayeen muddo dheer oo sanado badan ah, balse waxay Khubaradu tibaaxeen in guusha iyo guul daradda ku timaada xiriiradda Jacaylku Inta badan ay ku xiran tahay hadba sida uu yahay muuqaalka quruxdda Lamaanayaashu.
Mr Rob Burriss, oo ah madaxa Khubaradda daraasadan samaysay ayaa sheegay in Dumarka sida aadka ah u quruxda badani ay intooda badan sabab u noqdaan burburka ku yimaadda xiriirka Jacayladooda, waxaanu Khabiirku arrintan ku sababeeyay in Dumarka aadka u qurxoon ay quruxdoodu u been sheegto iyaga oo aaminsan in quruxdooda awgeed ay mar walba awood buuxdda u leeyihiin in marka ay doonaan ay iyagu xulan karaan doorashadda xiriirka Jacaylka ee Ragga.
Sidoo kale, natiijaddii laga soo saaray sahamintani waxay hoosta ka xariiqday oo ay kula talisay Dumarka aadka u quruxdda badan in aanay quruxdoodda u isticmaalin habdhaqan masuuliyad daro iyo amar ku taaglayn mano sheegasho ah oo ay ku dhaawacaan kalsoonida xiriirka Jacaylka raggooda, balse ay u adeegsadaan mid ay ku kasbadaan kabista iyo kobcinta qalbiga iyo farxadda Jacaylka lamaanayshoodda.
Dhinaca kale, Daraasado hore oo xiriir ah oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in Dumarka aadka u quruxda badani ay saamayn badan oo dhinaca maskaxda iyo mooralka ah ay ku reebaan caafimaadka maskaxeed ee Ragga.
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele