Sheeko kusaabsan isjecelka Raga iyo Haweenka iyo waliba isnecebkooda
Cilmi baaris qoto dheer oo ay dhawaan sameeyeen koox khubaro ah oo xeel dheerayaal ah oo ka tirsan Jaamacadda lagu magacaabo University of Pavia, ayaa lagu bayaamiyay Qodobo dhawr ah oo u aad u xiiso badan oo nuxurkoodda si guud loogu soo koobay Astaamaha ama sifooyinka ku saabsan dhinaca JACAYLKA, ee ay Haweenku intoodda badani ay ku nacaan Ragga hadii ay ku arkaan.
Hadaba Nuxurka Qodobaddan ay daraasadu diiradda saartay oo aanu iddiin soo koobnay waxa ay kala yihiin sidatan.
1-Noocyo Ka Mid Ah Dareenadda Jacaylka Ah Ee La Waddaago:
Inta badan haweenku waxay doorbidaan inay si waji furan ula hadlaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ku dhex nool yihiin, waxaanay si sahlan u samaystaan asxaab ay la wadaagaan dareenka waxa ay ka hadlayaan iyo xiriiradoodda, laakiin raggu aad ayay ugaga duwan yihiin dumarka arrintaa mana jecla in ay u soo bandhigaan dumarka dareenkooda, taas oo dumarka qaar ay ku adkaato in ay jawaab u helaan ama ay fahmaan sababta aarintan keentay.
2. Noocyadda Xiriiradda
Dumarku waxay aad u dhibsadaan marka ay raggu ka hadli waayaan in ay cabiraan dareenkooda ku saabsan xiriirada ay la yihiin dumarka, maxaa yeelay haweenku waxay jecel yihiin in ay kala ogaadaan dib u dhaca iyo horomarka ku yimaada xiriirada ay la wadaagaan ragga, dhinaca kale raggu waxay doorbidaan oo ay iska ilaaliyaan in ay dumarka kala hadlaan xogaha ku saabsan xiriirada ka dhexeeya.
3. Bahdilaadda Ama Xaqiraadda
Dumarku waxay aad u karahsadaan ragga iska indho tira haweenka ee aan siinin wax taxadar ah, waxaanay si gaar ah dumarku u jecel yihiin ragga ahmiyada sida gaarka ah u siiya ee u hura wakhtigooda kana sheekeeya sida ay u arkaan xiriirada jacayl ee ka dhaxeeya lamaanaha. La qaata wakhti ay u waramaan dareenka gaarka ah.
4. Amaanta Gabar Kale Oo Aan Iyadda Ahayn
Dumarku waxay aad u neceb yihiin in ay ka maqlaan ninka ay jecel yihiin isaga oo amaanay gabar kale oo aan iyada ahayn.
5. Muranka Iyo Beenta
Dumarku waxay aad u dhibsadaan marka ay raggu been u sheegaan sababtoo ah ragga intiisa badani waxay aaminsan yihiin in dumarka been loo sheego si ay u soo xero galiyaan oo ay u hantiyaan qalbiyadooda.
6. Wasaqda Iyo Nadaafad darada
Dumarku waxay aad u karahsadaan ninka nadaafada xun, waxaanay jecel yihiin in ay indhahoodu arkaan nin labisan oo ay nadaafadiisu fiican tahay jir ahaan iyo labis ahaanba.
7. Dumarkii Hore Ee Aad Xiriiradda Yeelateen
Ma jecla dumarku inay ka maqlaan ninka ay jecel yihiin isaga oo ka sheekaynaya tirada dumarka uu la soo qaatay xiriiraro hore iyo noocyada dabeecadahoodaba.
8. Jaangoynta Qorshayaasha Mustaqbalka
Haweenku waxay jecel yihiin ninka samaysta ama qorsheeya jaangoynta nolosha mustaqbalkiisa had iyo jeerna kala tashada sida ay noqonayso noloshiisa mustaqbalku.
9. Ka Daba Shaqaynta Iyo Koontaroolidda
Dumarku waxay nacaan ninka ad-adag ee had jeer isku daya in uu caburiyo ama koontaroola ee jecel in wax waliba ay u dhacaan sida uu doonayo. Dumarku waxay jecel yihiin in ay noqdaan hogaamiye jecel kasbashada dhagaha ninka.
10- Shakigga Iyo Kalsooni Daradda
Dumarku ma jecla ninka had iyo jeer isku daya in uu ilaaliyo ee isku mashquuliya in uu ogaado talaabo kasta oo ay qaadayso, iskuna taxalujiya in uu ogaado cid kasta oo ay la hadlayso, taas oo ay dumarku u arkaan kalsooni daro ninka la soo gudboonaatay.
Dhinaca Kale, Daraasaddo dhawr ah oo xiriir ah oo ay sameeyeen xeel dheerayaasha ku talax tagay arrimaha Jacaylku ayaa shaaciyay Astaamaha Gaarka u ah ee lagu garto qofka jacaylka dhabta ahi hayo ama uu halleelo, taas oo aad ku garan karto haddii aad isku aragto astaamahan in Jacayl dhab ahi ku hayo.
1- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu u ilaaliyaa una sharfaa lamaanaha kale ee uu jecel yahay si ka badan sida uu u daryeelo naftiisa.
2- Lamaanaha aad sida dhabta ah u jeceshahay waxa uu noqdaa ka u danbeeya ee aad ka fikirto habeenkii iyo ka u horeeya ee aad ka fikirto subaxii.
3- Qofka Jacaylka rasmiga ahi heleelaa si dhab ah ayuu u ilmeeyaa una ooyaa mar kasta oo uu xasuusto lamaanaha uu u jecel yahay.
4- Mar kasta oo uu soo dhaco Tilifoonkiisu qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu aad u door bidaa in uu noqdo codkii lamaanaha uu sida dhabta ah u jeclaa.
5- Mar kasta oo uu soo galo qol ay dad badani ka buuxaan waxa uu ka baadi doonaa oo uu indhaha la raacaaa in uu indhaha qac ku siiyo muuqaalka aragtida lamaanaha uu jecel yahay, Isaga/Iyada.
6- Hadii uu ogyahay halka uu joogo Lamaanaha uu jecel yahay masaafaday doonto ha jirtee wuu u boholyoobaa waanu u tagtaa.
7- Hadii Lamanaaha aad jeceshahay uu la socdo rag ama dumar kale, waa inuu muuqaalkiisu ama muuqaalkeedu uu si gaar ah kaaga soocnaadaa bidhaan ahaan masaafo durugsan kuwa kale.
8- Marka uu ku soo eego Lamaanaha aad jeceshahay ee ay indhihiinu is qabtaan waad naxdaa, garaaca wadnahaaaguna si aan caadi ahayn ayuu u sii kordhaa.
9- Mar kasta waad ka fikirtaa, wax kasta oo aad aragtaa way ku xasuusiyaan jecaylkiisa ama jacaylkeeda, waxaanad jeceshahay hadal haynta iyo warka Lamaanaha aad jeceshahay, iyo maqalka codkiisa ama codkeeda iLbiriqsi kasta.
10- Qofka jecaylku biyo dhigaa kuma dhiirado in uu si caadi ah ula hadlo Lamaanaha uu jecel yahay, mar kasta oo uu la hadlana waxa uu dareemaa firka nax saa’id ah kalgacal awgii.
12- Meel kasta, xilli kasta, iyo wax kasta oo uu qabanayo Qofka wax jeceli waxa qalbigiisa ka dhex guuxa lamaanaha uu sida runta u jecel yahay.
13- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu bilaabaa dhegaysiga heesaha iyo miyuusiga dabacsan ee ay ku jiraan erreyada macnaha leh ee ku dhibca Qalbiga ee ku saabsan qiimaha, qadarinta iyo xushmada Jacaylka.
14- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu mar kasta door bidaa in uu ka maqlo lamaanaha kale ee uu jecel yahay in uu ka bareero jacaylka oo uu ku yiraahdo waan ku jecelahay.
15-Hadii uu ku hayo Jacayl dhab ahi aragtida indhahaaga iyo qalbigaaga waxa aad ku lamaanaysaa Lamaanaha aad sida xaqiiqda ah u jeceshahay, mar walbana waxa aad jeclaataa ilaa xad ag joogiisa, muuqiisa, codkiisa iyo sheekadiisa.
16- Uma quuro Qofka wax jeceli lamaanaha uu jecel yahay been, khiyaamo iyo quursi, guusha horumarka noloshiisana waxa uu arkaa isaga oo hanta ku guulaysiga kasbashada Jacaylka Lamaanaha uu Jecel yahay.
17- Qofka wax jeceli dhamaan astaamaha midabyada bilicdasan ee ugu quruxda iyo udgoonka badan Kownka sida Ubaxyada waxa uu ku taxaa Qoor gashi uu u hibeeyo in uu qoorta u suro Lamanaaha uu sida dhabta ah u Jecel yahay.
18- Waxa uu jeclaadaa in makhluuqa dunida ku nool oo dhami ay la jeclaadaan lana amaanaan Lamaanaha uu jecel yahay.
19- Wakhtigiisa qaaliga ah iyo naftiisaba waxa uu u huraa Lamaanaha uu jecel yahay har iyo habeenba.
20- Jacaylka dhabta ahi Ma gaboobo, Ma Gamashiyo, Ma Guro, Ma Gaagaxo, Mana Guuro Abidkii, qofka wax jecelina kamana qanco yoolka jacaylkiisa wakhtigay doonto hala gaaree, mana garawsado wax kasta oo xumaan ah oo lidi ku ah Lamaanaha uu jecel yahay ha yaraato ama ha badnaatee, xumaan kasta oo uu leeyahay lamaanaha uu jecel yahay waxa baabi’iya jacaylka baaxada leh ee uu hayo.
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments
Post a Comment