Wasiiirada Fowsiya Yuusuf, ayaa laga soo xigtay inay bedelaad ay ku sameyso safiirrada dalka Masar, Sacuudiga, Kuweyd

Wasiiirada Arimaha dibadda dowladda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa laga soo xigtay inay qorsheynayso bedelaad ay ku sameyso safiirrada dalka Soomalida u fadhiya dalalka Masar, Sacuudiga, Kuweyd iyo kuwo kale oo fadhiya dalal Afrikaan ah.
Safiirada la bedelayo ayaa waxaa la sheegay in qaarbadan oo ka mid ah dacwado laga soo gudbiyey, kuwo kalena  lagu eedeeyay mas’uuliyad daro.
Wararku waxa ay sheegayan in dhawaan caasimadda Soomaliya ee Muqdisho looga yeeri doono mus’uuliyiinta ku magacaaban safiirnimada,  maadaama muddo dheer ay hayeen xilalkaasi.
Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in  xafiiska Madaxweynaha ay u gudbisay qorshaha ah xil ka qaadis lagu sameeyo safiiradaas uuna ka aqbalay iyadoo la sheegayo in la dhimayo safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalka dibadiisa maadaama dowladdu aysan heysan dhaqaale ay ku maareyso.
Sharciga diblomaasiyada ayaa dhigaya in safiirka dal u fadhiya dal kale aanu xilka safiirnimo sii heyn karin afar sano wax kabadan.
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele