Al-Shabaab oo dhaleecayn usoo jeedisay Al-Amriki

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta soo saartay warbixin ay ku dhaleecayneyso mid ka mid ah dagaalyahannadeeda shisheeye oo ay ku tilmaaamtay ‘sumcad-doon’ khatar ku ah midnimada kooxda.
Al-Shabaab waxay shaaca ka qaadday in Abu Mansur al-Amriki oo ka mid ah Jihaadiyiinta ajnebiga ah, una dhashay dalka Maraykanka, uusan matalin aragtida kooxda, isla markaana uusan wax jago ah ka hayn maamulka kooxdaasi.
Kooxda Shabaab waxay sheegtay inay sameysay isku dayo badan oo la rabay in lagu saxo khaladaadka Abu Mansur al-Amriki, balse uu diiday inuu qaato talooyinka.
Waa markii ugu horreysay oo kooxda Al-Shabaab ay si cad uga hadasho aragtida kooxda ee ku aaddan al-Amriki kaddib markii uu faafiyay warar sheegaya inay naftiisa halis uga imaaneyso Al-Shabaab khilaaf ka dhex dhashay awgiis.
Al-Amriiki ayaa fariin muuqaal ah oo uu soo dhigay barta Internet-ka 19-kii October ku sheegay inay soo wajahday cabsi uu ka qabo in kooxda Al-Shabaab ay khaarijiso taasina ay ugu wacan tahay khilaaf ka dhex jira kooxda oo ku aadan sharciga iyo istiraatiijiyadda.
 Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele