Drone-ka Scan Eagle, waa diyaarad USA ah oo Iiran sheegtey inay soo dejisey (Video)

Warbaahinta Iran ayaa soo bandhigay diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka loo yaqaano, oo shalay ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran sheegeen inay gacanta ku dhigeen ka dib markii ay kusoo xad gudubtay hawada dalkooda.
Diyaaradan oo Iiraan sheegtay in Maraykanku leeyahay ayaa waxa beenisay wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka, waxaana bayaan ka soo baxay wasaarada gaashandhiga Maraykanka lagu sheegay in aanay jirin wax diyaarad ah oo ka maqan ciidamadooda ku sugan bariga dhexe.
Haddaba waxyar uun ka dib markii Pentagon-ku beeniyay in diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn, laga qabtay ayaa Telefishanka dawlada Iiraan uu baahiyay muuqaalo lagu sheegay in ay tahay diyaarada ay ka qabteen Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn oo telefishanku sheegay in lagu magacaabo, ama nooceedu yahay, [Scan Eagle], taas oo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka inta badana lagu yaqaano in ay ka dul haadaan Maraakiibta waaweyn ee dagaalka ciidamada Maraykanku leeyihiin.
Taliye ka tirsan ciidamada bada ee Iiraan oo lagu magacaabo, Admiral:  Cali Fadawi ayaa wakaalada wararka ee dalka Iiraan u sheegay in diyaaradani ku gudo jirtay hawl galo basaasid ah, oo inta badan ay ka samayso biyaha khaliijka laakiin ay ciidamada Iiraan ku guulaysteen inay soo fariisiyaan.
 Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele