Kismayo; Ku Dhawaad Shan qof ayaa ku dhimatay iska hor-imaad

Ku Dhawaad Shan qof ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen kaddib markii uu maanta magaalada Kismaayo iska hor-imaad ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan huwanta ku sugan magaaladaas.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay ciidanka Raaskambooni weerareen ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa isbaheysiga oo la sheegay in ay  jidgooyo dhigteen xaafadda Dalacaada ee magaalada Kismaayo.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay ka tirsanaayeen dhinacyadii dagaallamay.
Cabdinaasir Seeraar oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay la dagaallameen kooxo uu sheegay in ay dhigteen gudaha magaalada jidgooyooyin, wuxuuna xusay in haatan ay xaaladdu degan tahay.
Odayaal dhaqameed iyo xubno ka tirsan maamulka ayay wararku sheegayaan in ay xaaladda farageliyeen oo ay wadaan dedaallo ku aadan in laga hortago dagaal kale oo ka dhaca Kismaayo.
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele