Mogadisho; Qadar Sheekh Xaamid Bin Jassim Al-Thani, oo kulan kula yeeshay Madaxweyne Xasan

Waxaa shalay booqasho aan horay loo sii shaacin oo qarsoodi aheyd ku yimid magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayey wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Sheekh Xaamid Bin Jassim Al-Thani, kaas oo kulan kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda cusub gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Sida warku sheegayo wafdiga uu hogaaminayey wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar ayaa ujeedada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho waxaa lagu sheegay inay magaalada keeneen deeq lacageed, waxaana la sheegay in deeqda lacageed ee uu wasiirku keenay ay ku jirtay boorso, laguna wareejiyey Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale wafdiga wasiirka ayaa Madaxweynaha iyo wasiirada kala hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo sidii ay dowladda Qadar uga qeybqaadan laheyd taakuleynta dowladda Soomaaliya.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in kulanka ka dib iyo deeqdii ay ku wareejiyeen madaxda dowladda Soomaaliya wafdigii ka socday dowladda Qadar ayaa waxaa la sheegay inay dib ugu laabteen diyaaraddii keentay magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan u soo gudbin xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, lamana oga waxa ay u tagi-waayeen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, mana jirto cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka hadashay deeqda lacageed ee la siiyey iyo waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wadahadleen wafdiga wasiirka arrimaha dibadda Qadar iyo Madaxda Soomaalida.
Dalka Qatar ayaa ka mid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, isla markaasna shirkii London ee bishii Febaraayo 2012-ka looga hadlayey arrimkaha Soomaaliya ku balanqaaday inay gacanweyn ka geysanayaan arrimaha Soomaaliya, lamana oga deeqdan ay ku wareejiyeen dowladda inay qeyb ka tahay balanqaadkaasi iyo in kale, waxaana xusid mudan in deeqaha ay dowladda Soomaaliya siiyaan dowladaha carabta ay gacanta ka saaraan iyadoo kaash ah madaxa Soomaalida.
Si kasta oo ay ahaataba deeqdan la siiyey dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan ka codsaday dalalka siiya deqaha Soomaaliya inay si toos ah ula macaamilaan dowladda oo aysan deeqaha u soo marin hay’adaha Qaramada Midoobay.

Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele