Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo eedeeyey madaxweyne Hassan



Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaasna xildhibaan soo ahaa muddo ka badan 10-sano ayaa ka hadlay dhameystirkii wasiirada iyo magacaabistii wasiiru-dowlayaasha iyo ku xigeenada iyo sidoo kale qaabka ay ku dhisantahay dowladda cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in hay’adaha dowladda gaar ahaan Xukuumadda iyo madaxtooyada ay qabsadeen sida uu yiri hal xisbi oo keliya.
Xildhibaan Maxamed Axmed Kulalihi ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dowladdu uu ka buuxiyey xisbigiisa oo keliya, wuxuuna xusay in wasiiro ku xigeenada iyo wasiiro dowlayaasha cusub ee dhawaan la magacaabay inay u badanyihiin xisbiga uu ka soo jeedo Madaxweynaha, isagoo sheegay in arrinkaaasi laga fiicnaa.
“Sida aad u jeedaan Golihii wasiirada waxaa qabsaday hal xisbi oo keliya, xisbiga Madaxweynaha oo keliya ayaa meesha la geeyay, aaway dadkii kale ee dowladda wax ka lahaa, mise cid aan xisbigii Madaxweynaha ka tirsaneyn waxba ma laha, sida ay hadda wax ku socdaan Madaxtooyadana xisbiga Madaxweynaha oo keliya ayaa qabsanaya, ma aha in nin kasta oo la soo magacaabo dadkiisa uu hay’adaha dowladda oo dhan uu ka dhigo ee waxay aheyd in ummadda Soomaaliyeed ay u sin-naanto” ayuu yiri Xildhibaan Kulalihi.
Hadalka ka soo yeeray xildhibaan Kulalihi ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay horay u sheegeen in cadaalad darro ay tahay in hal-xisbi oo keliya xilalkii dowladda loo dhiibo, waxayna sheegeen in qaabka loo magacaabay wasiiro dowlayaasha iyo ku xigeenada ay yihiin qaab qaldan sida ay yiraahdeen mudanayaashaasi ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
 Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele