Al-Shabaab oo laga Xiray Twitter-ka


Ciwaanka ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd bogga Twitter ayaa maanta la xiray, kaddib markii ay ku soo gudbiyeen hanjabaad la xariirta dilka muwaadiniin Kenyan ah oo u afduuban.

Ilo wareed muhiim ah oo ka tirsan Maktabka Iclaamka ee XSHM ayaa xaqiijiyay in la xannibay account-koodii Twitter-ka, waxaana ay sheegeen in muddooyinkii u danbeeyay ay jireen cadaadisyo lagu saarayay shirkadda Twitter iney xirto boggaasi.

Barta Twitter-ka oo ka mid ah hababka cusub ee Warbaahinta casrigan ee loo yaqaano Microblogging ayaa isu keeneysay dhinacyada siyaasadaha kala duwan ee Caalamiga, waxaana Al-shababka Soomaaliya ay u adeegsan jireen bartaasi baahinta bayaanaadka iyo wararka inta badan ku wajahan dawladaha reer galbeedka ee qeybta weyn ku leh xaaladaha isdiidan ee dalka Soomaaliya.

Bogga Twitter-ka ee @HSMPress ayaa si rasmi ah loo diiwaan geliyay bishii December ee sanaddii 2011 iyadoona wixii markaasi ka danbeeyay ay ku xirmeen kumanaan dad ah oo ay ku jiraan shirkadaha warbaahinada Caalamiga, wariyeyaasha Caalamiga ah iyo dawladaha qaarkood,iyadoo sidoo kale lagala socday mar waliba bayaanada Al-shabaab ka soo baxa.

Mas’uuliyiinta Twitter kama hadlin xayiraadda ciwaanka Al-Shabaab, laakin waxaa sharciyada bogga ku jirta inay mamnuuc ka yihin hanjabaadaha iyo rabshadaha.

Al-shabaab ayaa si weyn waxay hardan ugu dhaxeeya marka laga soo tago dowlada Soomaaliya oo siyaasadooda isdiidan tahay,wadamada reer galbeedka oo hadalo aan u cuntamin u marin jiray barta Twiterka.
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele