Cairo; Maxkamada sare ee dalka Masar ayaa 21 qof ku xukuntay dil


Maxkamada sare ee dalka Masar ayaa taageerayaal gaaraya 21 qof ku xukuntay in la toogto kadib markii lagu helay in ay ku lug lahaayeen mashaqadii ka dhacday magaalada Boor Saciid ee wadanka Masar iyadoo qaar kalena ay xukun sugayaal yihiin oo ay sheegtay maxkamadu in xukun lagu rididoono bisha March ee soo socota.

Dhibaatadaan ayaa dhacday kadib markii taageerayaasha kooxda ka dhisan magaaladaas ay soo weerareen taageerayaasha kooxda Al-Ahli kadib kulan ka tirsananaa horyaalka wadanka Masar uu dhexmaray labadaas kooxood.

Taageerayaasha kooxdaan Almasri ayaa weerar kusoo qaaday taageerayaasha Al Ahli ayagoo halkaas ku dilay dad gaaraya 72 ruux oo naftooda meeshaas ku waayey, ayadoona boqolaal kalena ay dhaawacya kala duwan kasoo gaaray dhacdadaas murugada leh oo ka dhacday magaalada Boor Saciid.

Arrintaan shaqaaqada ahayd ayaa keentay in la joojiyo horyaalka wadanka Masar intii ka danbeesey dhacdaas, balse wada xaajood badan kadib ayaa bishii lasoo dhaafay dib loo furay kadib markii laacibiinta horyaalka ka ciyaari jiray ay ku hanjabeen in ay wadamada kale shaqo u raadsanayaan, halka naadiyaashiina ay sheegeen in ay musalifeen oo dhaqaale la’aan dartiis ay qarka u saaranyihiin in ay isxiraan.

Dhacdadaan ayaa ahayd midii ugu xumayd ee ka dhacda wadamada carabta iyo guud ahaanba qaarada Africa, ayadoona aysan ka dhicin arin ku saabsan ciyaaraha taageridooda oo dhiig intaas la’eg uu ku daato, waxayna arintaani dad badan soo xusuusisay dhacdadii ay sameeyeen tageerayaasha kooxda Liverpool sanadii 1985-tii kadib markii ay isku dheceen taageerayaasha kooxda Juventus ayadoona halkaasi ay naftooda ku waayeen taageerayaal badan oo taageeraayey Juventus, taasoo keentay in Liverpool dusha loo saaro 20 sano oo ganaax ah oo aysan kasoo qayb geli karin horyaalka naadiyaasha qaarada Europe ee UCL.

 Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele