Ibraahim Daa’uud Gode-gode oo Maxkamad lagu Saarayo Dalka Turkiga


Maxkamad ku taala dalka Turkiga ayaa dhawaan la soo horistaajin doonaa nin caadeystay inuu si bareer ah u af lagaadeeyo madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ninkaasina uu hadda ku suganyahay magaalada Istanbul ee isla dalka Turkiga.

Ninkan oo warar dacaayad ah ku qori jiray websiteyada qaar kuwaas oo uu ku aflagaadeynayo madaxda ugu sareysa dalka, diblumaasiyiinta, shaqaalaha dowladeed ee ka howlgala gudaha dalka iyo safaaradaha Soomaaliya ay dibadda ku leedahay, waxa uu dhowr jeer warbixino been abuur aan la dhayalsan karin ka qoray madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, madaxda maamul goboleedayada, wasiirada arrimaha dibadda, Safiiradda, diplumaasiyiinta iyo siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Soomaaliya.

Ninka ay dacweynayso dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Gode-gode oo magaciisa caadiga uu yahay Ibraahim Daa’uud baasaboorka uu watana uu yahay mid Norwijyan ah ayaa hadda ka hor lugu xiray dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Ankara oo uu hadda yahay Maxkamad suge ku eedaysan inuu af lagaadeeyay shaqsi diplumaasi ka ah oo lagu magacaabo Yuusuf Axmed Xasan iyo gabar Soomaaliyeed oo ardayad ah.

Ibrahim Daa’uud waxay garyaqaanadu ku taliyeen in maxkamad caalami ah lala fuulo taas oo sheegaysa in qofka sharaftiisa iyo sumcaddiisa aanan lagu xadgudbi karin, Gode-Gode oo hadda ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga gaar ahaan xaafadda Fatix ayaa waxaa safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga laga codsanayaa in ninkaas si degdeg ah ku soo qabtaan ayna saaraan Maxkamad eedeysane Gode-gode.

 Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele