Malik Obama oo Tartan Ugu Jira in uu Noqdo Barasaabka Gobol ka Tirsan Kenya


Nin ay xaga aabo walaalo ka yihiin Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo deggan waddanka Kenya, ayaa tartan ugu jira inuu ka noqdo barasaab mid ka mid ah gobollada dalka Kenya oo uu u dhashay.

Ninkaan oo lagu magacaabo Malik Obama, da’diisuna tahay 54 jir, ayaa isu diyaarinaya inuu barasaab ka noqdo gobol ka mid ah dalka Kenya, isagoo sheegay in tartanka uu ku doonayo xilka barasaabnimo uu ka caawin doono walaalkiisa Madaxweynaha ka ah waddanka ugu quwadda weyn adduunka ee Maraykanka.

Malik Obama oo ah dhaqaaleyahan ayaa sheegay in guusha uu gaaray walaalkiisa adduunka laga wada yaqaan ee noqday Madaxweynihii ugu horreeyey madow ah ee fariista Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo ay ku dhiirrigelisay inuu isaguna dalkiisa hooyo ee Kenya madax ka noqdo.

‘’Markii aan eegay guusha uu gaadhay walaalkayga Maraykanka xukuma, waxaan dareemay inay sharaf-darro igu tahay anigoo dadkaygii dhex jooga inaan tallaabo qaadi kari waayo, waana sharaf-darro runtii taasi, waxaanan rajaynayaa inaan noqdo hoggaamiye daacad ah’’ ayuu yiri ninka ay walaalaha yihiin Madaxweynaha Maraykanka ee u tartamaya xilka barasaabnimada.

Mr. Malik oo warbaahinta kula hadlay shalay magaalada uu asal ahaan ka soo jeedo ee Kogelo oo ku taal galbeedka Kenya, ayaa sheegay inuu yahay murashaxa ugu wanaagsan ee dadka gobolkiisa ka saari kara saboolnimo muddo dheer daashatay.

Ninkaan ayaa aaminsan in walaalkiisa ka taliya xukuumadda Washington uu ka caawin doono inuu kursiga barasaabnimada ku fariisto.

Malik Obama waxaa xilka barasaabnimo ee uu u hanqal-taagayo kula tartamaya nin si weyn looga yaqaan Kenya, isla markaana walaalo yihiin Ra’iisal-wasaaraha dalkaas Raila Odinga.

‘’Waxaan si kalsooni leh u leeyahay waxaan ahay qofka ugu fiican dadka jagadaan ku loollamaya, sababtoo ah marka la eego magacayga labaad ee igu lammaan oo xiriir la leh guusha iyo horumarka,’’ ayuu ku yiri Malik Obama oo ku faanay inuu magaca iyo dhiigga wadaagaan Madaxweynaha Maraykanka.

Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)


Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele