Waxaa Magaalada Qaahira laga Furay Huteel Cusub


Waxaa Magaalada Qaahira laga Furay Huteel Cusub oo Habdhaqankiisu noqonayo, mid raga iyo dumarka mid walba meel gaar ah, albaab u gaar ah iyo qayb u gaar ah ay kasoo galayaan oo aanay is arkayn isna ogaanayn, waxa kale oo huteelkaan ka mamnuuc ah, in lagu dhex cabo sigaarka, Shiishada, in lala iman karo wax Alcohol- ah iyo in wax heeso ah lagu dhagaysan karo gabi ahaanba.

Huteelkan oo lagu magacaabo D. Cappucciano waa mid si layaab leh loogu sameeyay midabo qur-quruxoon oo soo jiidasho leh, waxa kale oo ku yaala muuqaalada waxyaabaha lagu iibinayo sida cabitaanada iyo cuntooyinka, laakiin waxa albaabkeeda taagan qof ilaalo ah oo dhalinyaro ah kaas oo macaamiisha la socodsiinaya hab dhaqanka iyo macaamilka maqaaxidan.

Tusaale ahaan waxa uu deg deg nidaamka u degsan maqaaxidan u sheegayaa haddii ay u baahdaan wiil iyo gabar wada socdaa ama qof lab iyo mid dhedig oo wada socda haddii ay u baahdaan in ay maqaaxidan wax ka cunaan, halkaas oo uu albaabka ugu sheegayo awaamiirta laga rabo, suura galna ay tahay in halkaas lagu kala reebo, haddiiba ay damcaan inay galaan huteelka gudihiisa.

Waxa uu huteelkani leeyahay sadex albaab oo mid u gaar yahay gabdhaha dhalinyarada ah, midna u gaar yahay wiilasha dhalinyarada ah mid kalana u gaar yahay qoysaska is qaba, waxaanay mid walba looga baahan yahay inuu qaybtiisa ka galo, waxa kale oo gudaha ku yaala oo qayb waliba leedahay meel lagu tukado oo u gaar ah cida qaybtaas loo qayiday.

Sida ay ku warantay Jariirada Al Qadan ee dalka Masar waxa ay maqaaxidani ka mid tahay, sil salad maqaaxiyo isku xiran ah oo lagu wado in dalkaas oo dhan lagu baahiyo sida ay milkiilayaasha maqaaxidani ku waramayaan, waxaana laanteedan u horaysay laga furay magaalada Al Nasar ee caasimada Qaahira.

Maqaaxidan ayaa waxyaabaha laga ogol yahay ay ka mid tahay in dadka isku ehelka ahi ku qabsan karaan, xafladaha u gaarka ah sida xuska dhalashada, taas oo ah mid inta badan waddaadada salafiyiintu diidaan, laakiin ay maqaaxidani ogoshahay, laakiin waxa ka reeban ciida kirismiska loo yaqaano oo aan lala soo ag mari karin.

Laakiin waxa aanay maqaaxidan iyo dadka jecel in ay xusaska noocaas oo kale ah qabsadaan ku heshiinayn sida jariirada Al Qadan sheegtay, shuruudo ad adag oo lagu xirayo kuwaas oo ah, in aanay rag iyo dumarku is dhex gali karin iyo in aan loo ogolayn in laga dhawaajiyo wax muusig ah, sida shuruucda maqaaxidani yihiin.
Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele