Moscow Ural Hirbakul;Dhagaxaan Cirka ka soo Dhacay ayaa khasaaro ugeysatey (Video)


Moscow, Dad tiradooda lagu qiyaasay Kun qof ayaa la sheegay in dhaawac ka soo gaaray dhagaxaan olalaya oo iyagoo sida kubada u duuban, xawaare sida gantaalada oo kale ahna ku socda ku habsaday jimcihii shalay dhinaca bari ee gobolka Ural ee dalka Ruushka.
Sida ay ku warameen wakaaladaha wararka dunida, waxa gobolka Ural ee dalka Ruushka Jimcihii shalay, ku habsaday dhagaxyo hawada sare ka soo dhacay, kuwaas oo sida gantaalka u socday iyaga oo olalayana laga arkayay cirka ka hor intii aanay ku habsan degaankaas ee aanay sababin dhaawaca iyo khasaaraha tirada badan.
Dadka ku wax yeeloobay ayaa la sheegay in badankoodu ay ku dhaawacmeen daaqadaha guryaha oo markii ay burbureen, ku soo firaray, waxaana burbur wayni soo gaaray guryaha degaankaas oo markii dhagaxaas olalayay uu ku habsaday degaankaas sida dhul gariirka oo kale ugu burburay ama ugu dumay.
Dadka ku dhaawacmay shilkaan ayaa badankoodu arkayay oo daawanayay markii dhagxaantaas oo sida kubad wayn oo kale ahi cirka ka soo dhacaysay, taas oo sida gantaalka oo kale xawaare aad u sareeya ugu socotay ka hor intaanay dhulka ku habsan ee aanay xaaladu halista gaarin.
Xukuumada dalka Ruushka ayaa sheegtay in walaxdaas sida kubada oo kale u socotay ee dhagax ka samaysani, sababtay dhaawac iyo gubasho soo gaaray dad tiradoodu kun ku dhow dahay, kuwaas oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan degaanka bari ee gobolka Ural ee dalka Ruushka.
Ruushka ayaa ku tilmaamay in dhagaxani ka mid ahaa meerayaasha sabeeya ee dhulka ku ag wareega, kaas oo sida ay ku warameen ka soo guray gibilka sare ee oogada dhulka ka dibna markii uu soo galay, qaybta dhulka ee cuf is jiidadka leh xawaaraha uu ku socday awgeed olol sameeyay isaga oo ka hor intaanu dhulka ku dhicin isku dhegsanaa, ama marba sii kala firrayay intii uu hawada dhulka ku soo jiray.
Degmadaan uu ku dhacay ee degaanka Gobolka Ural ku taala oo lagu magacaabo, Hirbakul, ayaa sida la sheegay dhibaatada ugu badani gaartay, barkada kaydka biyaha ee degmadaas taas oo iyadu sababtay in dhagaxaas ololkiisi bakhtiyo oo aanu dab wayni ka kicin.
Mas’uuliyiinta wasaarada masiibooyinka dabiiciga ah iyo gurmadka deg deg ah ee dalka Ruushka ayaa sheegay in goobtaas ay u direen, hawl wadeeno gurmad oo tiradoodu kun ka badan tahay si ay uga hawl galaan xaaladan argagaxa leh ee ku habsatay dhulkaas.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degaankaas oo la hadlay wakaaladaha wararka dunida ayaa sheegay in isagu uu subaxnimadii hore ee jimcaha u soo baxay, hawlihiisa shaqo laakiin shaqo tagistiisi isku badashay gurmad iyo inuu wax ka qabto xaalada iyo masiibadan dabiiciga ah ee dhacday.


 Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)









Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele