Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtey inay dalkeeda ka xannibi doonto Internetka

 Dawladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa daboolka ka qaadday inay dalkeeda ka xannibi doonto baraha internetka dadku ku wada xiriiraan sida: Skype, WhatsApp iyo Viber, haddii shirkadaha isgaarsiintu ku guul-darraystaan in ay la socdaan waxyaabaha ka dhacaya mareegahan.

Hay’adda Isgaarsiinta iyo Macluumaadka Tiknoolajiga ee Sucuudiga, ayaa shirkadaha isgaarsiinta dalkeeda ee Telcom u soo jeedisay inay si macquul ah ula socoto waxyaabaha amniga waddanka ka dhanka ah ee lagu maleego mareegaha bulshadu ku kulmaan.

Hay’addu waxa ay shirkadaha isgaarsiinta siisay waqti ku eg dhammaadka toddobaadkan inay digniintaas kaga soo jawaabaan, waxaanay ku hanjabtay haddii shirkaduhu muddadaas ku soo jawaabi waayaan inay dawladda Sucuudigu ka qaadi doonto tallaabo ay dalkeeda kaga xannibayso mareegahaas.

Ku-xigeenka Hay’adda Isgaarsiinta iyo Macluumaadka Tiknoolajiyadda ee Sucuudiga Mr. Sulaiman Mirdad, ayaa wargeyska maalinlaha ah ee Okaz u sheegay in go’aankan la gaaray, wax faallo ahna aan laga bixinayn.

 Posted Afgooy
(BY Ishabaydhaba)



Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele