Haweeney Soomaali ah oo Lesbian ah ama ah dumarka jecel ayaa si arxan daro ah ay u dishay hooyada dhashay (Video)


Haweeney Soomaali ah oo Lesbian ah ama ah dumarka jecel dumarka kale inay u galmoodaan ayaa waxaa la sheegay inay si arxan daro ah ay u dishay hooyada dhashay haweeney ay is qabeen oo xaaskeeda ahayd oo ayna wada noolaayeen.

Haweeneydaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Sagal Maxamud Saadiq oo 40 sano jir ah kuna nool magaalada San Jose, California ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay is qabeen oo ayna is guursadeen haweeney kale oo lagu magacaabo Minema Kirk oo 37 sano jir iyagoona is qabay mudo gaareysa ilaa iyo 3 sanadood, Laakiin labadaas haween oo uu soo kala dhex galay muran ayaa waxay haweeneydaas ay go’aansatey inay soo af jarto xiriirkaas guurka arintaas oo ay ka xumaatay haweeneydaas Soomaalida ah ka dibna ay si caro ku jirto ay kula dhacday xaaskeeda hooyadeed oo lagu magacaabi jirey Yvonne Marie Kirk oo 65 sano jir ahayd iyadoona ay si xun ula dhacday mindi weyn taas oo keentay inay islaantaasi ay ku dhimatey isla goobtaas.

Haweeneydaan Soomaalida oo iyadana uu falkaas ka soo gaaray dhaawac xaga gacanta ah ayaa ugu horeyntii waxay booliiska u sheegtay in nin aysan garaneynin uu weerar ku soo qaaday oo uu ugu soo dhacay guriga islamarkaana uu ayadana dhaawacay xaaskeeda hooyadeedna uu ninkaasi uu dilay, Laakiin baaritaan dheer ayaa waxaa booliiska u suuro gashay inay ogaadaan runta iyo sida ay wax u dhaceen iyadoona haweeneydaas Soomaalida xabsiga la dhigay laguna soo eedeeyey inay geeysatay falkaas lagu dilay islaantaas weyn.

Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaan Soomaalida ah sida la sheegay ay ka xumaatey xiriirka ay u jartey haweeneyda ay is qabeen ayaa waxaa la sheegay in xilliga ay falkaas dilka ah ay geysanaysay inay haweeneyda ay qabtey ay ka maqneyd dalka oo ay fasax u jirtey dalka Puerto Rico, Haweeneydaan Soomaalida oo maxkamada la hor keenay laguna soo eedeeyey inay geysatay dilkaas ayaa waxaa la sheegay inay ahayd qof kalkaaliso caafimaad ah iyadoona ay lahayd gabar ay ku soo dhashay guur hore, haweeneydaan ayaa sanadkii 1996 waxay soo gashay dalka Mareykanka.

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele