Masuulkan ka tirsan ciidamada Cirka Ruushka oo waxyaabo badan diiday in uu ka jawaabo

Xaalad cabsiyeed oo aan hore u soo marin ayaa ka taagan dalalka Khaliijka Carabta, taas oo ka danbaysay sir masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ciidamada Cirka Ruushku baahiyeen dhawaan, kuna sheegeen in Moscow diyaarisay duulaan dhinaca cirka ah oo ay ku qaadayso magaalooyinka Riyaad iyo Doha ee caasimaddaha dalalka Sucuudi Arabiya iyo Qatar.
Xaalada ayaa cirka isku sii shareertay markii dhawaan, dalalka Sucuudi Arabiya iyo Ruushku, Is Dhaafsadeen eedaymo mid walba dhinaca kale u jeedinayo, kuwaas oo ka dhashay taageerada Ruushku siiyo Dowlada dalka Suuriya iyo ta Sucuudigu la garab taagan yahay kooxaha mucaaridka ee dagaalka kula jira, Madaxweyne Bashaar Al Asad.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibada Sucuudi Arabiya, Amiir Sucuud Bin Faysal Bin Cabdi Casiis uu Xukuumada Ruushka, ku eedeeyay in ay taageerayso maamulka dalka Suuriya ee Bashaar Al Asad hogaamiyo, taas oo uu wasiirku ku tilmaamay, mid waxa kaliya ee ay qabataa tahay, xasuuq wadareed shacabka dalkaas lagu tirtirirayo.
Daqiiqado yar ka dib markii hadalkaasi ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibada Sucuudiga, ayaa xukuumada Ruushku uga jawaabtay si aan hore loo arag oo aan dhaqan u ahayn, waxaanay isla markiiba xukuumada Sucuudi Arabiya iyo Qatar ku eedaysay in ay gacan siinayaan, kooxo argagixiso oo dunida dhamaan ammaankeeda halis galinaya, in la sii eegtaana tahay mid nacasnimo ah.
Sidoo kale maalin ka dib markii hadaladaas dhex mareen labada waddan, ayaa masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ciidamada cirka Ruushku soo bandhigeen, qorshe dagaal ama duulaan dhinaca cirka ah oo Ruushku ku qaadayo magaalooyinka Riyaad iyo Doha, kaas oo diyaarsan ama dhinac kasta laga diyaariyay sidii uu u fuli lahaa.
Masuulkaas Ruushanka ah ayaa sheegay in si weerarkaasi u fulo la diyaariyay diyaaradaha dagaalka Ruushka, kuwooda ugu awooda sareeya, kuwaas oo lagu rakibay, taangiyo cusub oo dheeraad ah, oo u fududayn kara in shidaal dheeraad ah ay ku sii qaataan si ay ugu suuragash in ay duqayntaas cirka ah ee magaalooyinka Riyaad iyo Doha gaystaan.

Masuulkan ka tirsan ciidamada Cirka Ruushka oo waxyaabo badan diiday in uu ka jawaabo, ayaa si buuxda u cadeeyay in qorshaha weerarkaasi dhamaystiran yahay, lana diyaarshay hab kasta oo diyaaradaha Ruushku ku gaari karaan labadaas waddan, waxa kale oo uu tibaaxay in dalka Iiraan ogolaaday in hawadiisa la isticmaalo ama dalkiisa ay sii dul maraan diyaaradaha dagaalka Ruushka ee duqayn doona labadaas caasimadood.
posted Afgooy by Ishabaydhabo

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele